Gudiga Fulinta xisbiga Kulmiye ee Saaxil oo ka digay Farogelin ay sheegeen inuu Maamulka Gobolku ku hayo, kuna baaqay shir deg dega

Berbera-(Berberanews)-Gudida Fulinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil, ayaa ka digay farogelin ay sheegeen in maamulka gobolkaasi ku hayo xafiiskooda iyo buuxinta jaggooyin ay banneeyeen Guddoomiyihii iyo Xoghayihii xisbiga oo haatan xilal ka haya dawladda.

Qaar ka mid ah Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil oo bayaan ka soo saaray maanta magaalada Berbera, ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan Xubnaha Golaha dhexe ee Gobolkaas, oo muddooyinkii u danbeeyay fadhiid noqday, ka dib markii Guddoomiyihii Gobolka ee Xisbigaas Shiina Cabdi Barkhadle loo magacaabay Maareeyaha Haamaha Shiidaalka iyo Xoghayahii oo noqday Xoghayaha dawladda Hoose ee Berbera, ka dib markii xukuummada Madaxweyne Silaanyo talada qabatay.

Bayaanka ka soo baxay Golaha dhexe waxay ku shaaciyeen inay si dhakhso ah u dooran doonaan Guddoomiyaha iyo Xogyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil, si loo dardargeliyo hawlaha xisbiga. Waxaanay digniin u direen maamulka Gobolka oo ay sheegeen inay farogelin ku hayaan.

 

Bayaankaas oo dhammaystirana waxa uu dhignaa sidan;.”Haddii aanu nahay gudiga fulinta xisbiga kulmiye ee gobolka saaxil, markii aanu aragney baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha xisbiga ee gobolka,isla markana isku qanciney in masuuliyiintii xafiiska ee xisbiga haatan ka mid yihiin hawlwadeenada xilalka shaqo ee xukumada,gaar ahaan Gudoomiyihii Gobolka Cismaan Cabdi Barkhadle “Shiine” Maareyaha Haamaha Shidaal iyo Xoghayihii Xisbiga Cali Maxamed Cilmi Xoghayaha dawlada Hoose degmada Berbera.

Markaanu eegney baahida taagan ee hawlihii xafiiska ee ku waajahan hawlagalada doorashada fooda inagu soo haysa,oo u baahan sidii caadada u ahayd xafiiskan xisbiga ee gobolka in laga diyaargarowbo,korna loo qaado shirarkii gudiga iyo xidhiidhkii dhinaca wada socodka.

 Markaanu aragney siday gudigii xafiiska isugu duban tahay,isla markaana ay diyaar tahay gudashada hawlihii xisbiga ee gudigu ka  hayey dhinaca gobolka Saaxil.

 Markanu ka fikirey halista iyo faragelin kaga iman karta gudiga iyo xafiiskii gobolka ee xisbiga hogaamin la’aanta jirta,madamada masuuliyiintii hore hawlaha qaranka ay kaalin kale kaga aadan yihiin.

Waxaa Gudigu ugu Baaqayaan kuna wargelinaya in shir deg-deg ah isugu yimaadan dhamaan xubinihii fulinta oo ay ka mid yihiin labada masuul ee ugu sareyey,isla markana aan wareejin xilalkii,hawlaha shaqada ee ay hada ku sugan yihiina u saami karin iney hogaamintii xafiiska sii wadaan,shirkaas oo gudiga fulinta ee heer gobol ay sida uu dhigayo sharciga xisbiga,laga wada tashado sidii gudigu u doora lahaa hogaankii sare ee gudiga “Guddoomiye iyo Xoghaye”.

Gudigu waxaa bayaankiisan wargelinta u sheegaya maamulka gobolka oo ah midaan arag meesha uu ku yaalo xafiiska xisbiga,inaanu ku sameyn fara-gelin sababta inuu gacanta maamulka gobolka ku burburo xisbigu,iyadoo ay muuqato in maamulka gobolku wado talaabo ku dhisan nin jeclaysi iyo faragelin hawlaha xisbiga ee gobolka Saaxil ah.

 Waxaannu mar labaad la socod siineyna in sharciga xisbiga uu awood u siinayo gudiga iney doortaan,buuxiyaana kolba jagada ka banaanaata dhexdiisa, oo aaney cid kale u gacan dhaafi Karin.

Maaha xisbiga Kulmiye urur hada la aasaasayo, waxa uu leeyahay shuruuc kala xadeyneysa, hab-dhaqanka shaqada xisbiga, waxaana xaaraan ah in maamulka ka dhexeeya ummadda iyo xisbiyada u gacan la galo, isagoo aan ka ahayn xubin la ogyahay, waxaana aanu mar kale ugu celineyna inuu maamulka gobolka ka digtoonaado faragelinta hawlaha gudiga iyo xafiiska.

 Liiska Xubnaha Gudiga Fulinta heer gobol ee soo saarey Qoraalka bayaan wargelineedka ah.Xisbiga KULMIYE.

01.Deeq    Maxamuud  Maxamed—Madaxa Arrimaha Dhalinyarada.Xubin Golaha Dhexe.

02.Caasha Xuseen        Farax      —Madaxa Arrimaha Haweenka     Xubin Golaha Dhexe

03.Yusuf   Maxamud    Maxamed—Madaxa Arrimaha Dhaqaalaha.

04,Siciid    Axmed        Geele      —Madaxa Abaabulka Iyo Wacyigelinta.

05.Adan    Xuseen         Yusuf     —Madaxa Siyasada iyo Arrimaha Nabadgelyada.

06.Asma    Cumar          Nuur      —Madaxa Xidhiidhka Laamaha Xisbiga heer gobol.

07.C/rashid Muse           Abyan   — Xubin Gudiga joogtada.

08.Axmed  Maxamed      Qaalib   — Xubin Gudiga Joogtada”

 

Berberanews.com

info@berberanews.com