Fadeexadaha Musuqmaasuq ee dul-hoganaya Wasaaradda Warfaafinta oo sii kordhaysa iyo Lunsiyo hor leh oo Hanti-dhawrku Fashiliyey

Hargeysa-(Berberanews)- Fadeexadaha musuqmaasuq ee hadheeyey Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, gaar ahaan qaybta TV-ga Qaranka, ayaa maalinba maalinta ka dambaysa waxyaabaha sii fashilmayaan, ka dib markii ay baadhitaanno xoog leh Wasaaraddaa ka bilaabeen baadhayaal ka socda Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Qaranka.

Hawlgallada baadhitaanka musuqmaasuq ee ay Hantidhawrka guud ee Somaliland ka wadaan Wasaaradda Warfaafinta ayaa galay maalintii 5-aad, iyadoo ay shalayna Saraakiisha Hanti-dhawrku waraysiyo kala duwan ay la yeesheen qaar ka mid ah madax-qaybeedyada Wasaaradda, isla markaasna ay wax ka weydiiyeen hanti iyo qalab kala geddisan oo la sheegay in lagu wareejiyay markii xilka loo dhiibay, balse been-abuur ah, isla markaana lacag la leexsaday laga dhigay in Xafiisyada qaar lagu qalabeeyey.

Cali Axmed Cawaale (Caanodhame) oo ah barnaamij-soo-saare ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, isla markaana ah madaxa waaxda Keydka Documentary-ga ee Televisionka Qaranka oo ka mid ahaa masuuliyiintii hanti-dhawrku su’aalaha ka weydiiyay halka ay ku dambeeyeen qalab tiro badan oo loo sheegay in lagu wareejiyay ayaa sida ay goob-joogayaal marka su’aalaha la weydiiyey Cali-Caanadhame ku sugnaa xarunta Wasaaradda Warfaafinta Berberanews u xaqiijiyeen inay si weyn isku maandhaafeen hanta-dhowrka, ka dib markii sida la sheegay uu dareen cadho leh ka muujiyay tirada qalabka loo tirinayo in qaybtiisa  lagu wareejiyay muddadii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka haysay.

Qalabkan la sheegay in lagu wareejiyay Waaxda Kaydka ee TV-ga Qaranka ayaa la tilmaamay inuu ka badan yahay 30 Computer oo isugu jira 20 Laptop, 10 Desktop iyo 8 Kamaradood oo ah noocyada kala duwan ee muuqaalka duuba, kuwaasoo loogu talagalay inuu xafiisku u adeegsado samaynta filimmada documentary-ga ah.

Hase ahaatee, xiisadda ka dhalatay weydiimaha Hantidhawrka ayaa sida la sheegay degtay, ka dib markii hawlwadeennada hantidhawrku si deggan ugu sheegeen in aanay arrintu ahayn waad qabtaa, balse waxa laga rabaa uun ay tahay tirada rasmiga ah ee lagu wareejiyay, taas oo uu Cali Caanadhame-na u sheegay in aanu wax war ah ka haynin qalabkaasi xaddiga badan bal se ay waxa keliya ee soo gaadhay ku kooban tahay 2 computer, Hal desktop, iyo hal laptop.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxa hantidhawrka guud ee Somaliland uu baadhitaan ku waday wasaaradda warfaafinta, iyada oo arrimaha la baadhayana la sheegay inay u mudan yihiin lacagayow badan oo lagu lunsaday gaadiidka loo soo iibiyay wasaaradda iyo mushaharka shaqaalaha gudaha dalka iyo kuwa debedda oo ah tan xaddiga ugu badan la musuqmaasuqay.

Sida ay xoguhu tilmaamayaan, boqollaal kun oo dollar oo mushahar ah ayaa lagu bixiyay saddexdii bilood ee la soo dhaafay shaqaalaha jooga ingiriiska, Holland iyo Australia iyada oo sidoo kalena la sheegay in musuq badani ka muuqdo kharashaadkaas oo shaqaalaha lagu magacaabay in loo diray oo caddeeyey sida la sheegay inaan lacagta lagu qoray waxba ka jirin, isla markaana aan dhaqaalaha farahaa leh la gaadhsiinin ama aanay gaadhin, waxa kale oo musuq badani ka muuqdaa sida la sheegay kharash loo adeegsaday dayactirka gaadiidka.

Si kastaba ha ahaatee, Musuqmaasuqa laga baadhayo wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa xooggiisa loo nisbaynayaa Wasiirradii kala dambeeyay ee soo maray Wasaaradda, iyada oo ay jiraan tuhunno baahsan oo dul gawdiida agaasimaha maamulka ee Telefishanka Qaranka oo maalmahanba ku xidhnaa saldhigga Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa iyo Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaradda warfaafinta Md. Faysal Cali Sheekh. Kaasoo shalay ay Wasaaradda Warfaafinta ugu yeedheen Baadhayaasha Hantidhawrka guud, kuwaasoo su’aalo kala duwan ku weydiiyey Xafiis ay hoosta uga xidheen, balse aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu kaga dooday su’aalaha musuqmaasuqa la xidhiidha ee wax laga weydiiyey.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.