Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo ka hadlay Saddex Gaadhi oo Gacanta kaga dhigeen Kooxda Khaatumo

Hargeysa-(Berberanews)- Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay saddex Gaadhi oo lagala soo goostay Malleeshiyada labaxday Khaatumo ee Jiidda degmada Buuhoodle ee Somaliland fadhigoodu yahay.

Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland Ismaaciil Maxamed Cismaan, Shaqalle, ayaa shaaca ka qaaday maanta inay Ciidamada Qaranka Somaliland ee Jiidda Buuhoodle iyo Sool gacanta ku dhigeen saacaddu markay ahayd 2:30-kii Duhurnimo ee maanta laba Baabuur oo nooca gaashaaman ee dagaalka ah iyo hal Gaadhi oo noociisu yahay Land-cruser, kuwaas oo lagala soo go’ay kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo.

Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Somaliland General Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) oo maanta War-saxaafadeed soo saaray, ayaa sheegay in labada gaadhi ee Tiknikada ah noocoodu kala yihiin GMC,iyo Mid Toyoto ah oo qori saaran yahay.

Taliyuhu waxa uu cadeeyay in labada gaadhi ee Tiknikada ah bishii March ee Sannadkan lagala baxsaday Ciidamada Qaranka isla markaana loola galay Cadawga nabad diidka ah,halka gaadhiga Land Cruserka ahna lagu sheegay inuu yahay kii lagu dilay labadii nin ee watay ee laga dhacay Tuulada Gawsa weyne.

Taliyuhu wuxuu intaas ku darayaa in gaadiidkaasi ay ku sugan yihiin fadhiisinka hore ee ciidamada qaranka ee deegaanka Gambadh.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.