Xukuumadda Silaanyo maaxaa ku kelifay inay 21 sano ka dib Booliska Somaliland u xidho Dirayska Soomaaliya?

Hargeysa-(Berberanews)-Somaliland waxay xoriyadda ka qaadatay Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska 26 June/1960-kii 1-dii July 1960-kii shan maalmood ka dib, la midawday Koonfurta Soomaaliya oo xilligaa xornimada ka qaadatay Talyaaniga oo gumaysan jiray.

 

Hase-yeeshee halgan dhiig badani ku daatay oo dhexmaray Ururkii SNM oo ka dagaallami jiray qaybtii la odhan jiray Gobollada Waqooyiga Soomaaliya iyo xooggagii Jamhuuriyadda Dimuquraaddiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Siyaad Barre, waxay Somaliland 18-kii May 1991-kii magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer kaga dhawaaqday inay tahay Jamhuuriyad gooni uga taagan, isla markaana madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ee ay 1-dii July 1960-kii la midawday.

 

Madaxbannaanida Somaliland ku dhawaaqday wuxuu horseday inay Somaliland ka guurtay wax badan oo ay la wadaagi jirtay dalka ay ka midka ahayd ee Soomaaliya. Waxaanay Somaliland samaysatay astaamaha dal madaxbannaan oo ay ka mid yihiin Calan, Lacag, Dastuur, Baasaabboor, iyo Dastuur, waxaanay ka guurtay Astaamihii dhinaca qaybaha Ciidammada ee ay Soomaaliya lahayd, iyada oo samaysatay kuwo waxyaabaha qaar kaga duwan. Hase ahaatee, waxa dadweynaha reer Somaliland layaab ku noqotay Tobabar dawladda Somaliland shalay Dugsiga Mandheera ugu soo xidhay 362 Askari oo Boolis ah, kuwaasoo ku labbisnaa Dirays ka duwan kii 21-kaa sano lagu yaqaannay Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana la mid ah Ciidammada Booliska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee hadda jira oo wax ay ku kala soocan yihiin ama ku kala duwan yihiin jirin, sida idiinka muuqata Muuqaalka Sawirradan kala duwan.

 

“Si fiican baa naloo tobabaray Laakiin Haddii aan dirayskan halkan [Somaliland] kala tago oo aan Muqdisho la tago direyska si hawl yar u shaqo geli karaa, waayo wax kala duwananaasho ah baan noo dhaxayn.” Weedhahaasi waxay ka soo yeedheen askari ka gaabsaday inaanau magacaiisa sheegno oo ka mid ah askarta dhammaystatay Tobabarka Mandheera ee dirayska Somalia loo xidhay oo weriye ka tirsan Berberanews kula kulmay Munaasibaddii Qallinjebinta Mandheera.

Dadweynaha reer Somaliland waxay arrintani ku noqotay wax ku cusub oo ay aad ula yaabeen, waxaanay in badan oo bulshada ka tirsani is-weydiiyeen su’aalo la xidhiidha, sababta keentay in Boolis Ciidanka Booliska Somaliland ka tirsan 21 sano ka dib markii ay gooni-isu-taaggeeda ku dahwaaqday maanta loogu xidhay Dirays ama Dhar ekaysiiyey Booliska Dalka Soomaaliya ee aynu madax-bannaanideenna kala soo noqonnay wakhtiga 21-kaa sano ka soo wareegtay?

Wixii ka danbeeyay wadajaddaldii dhexmaray Somaliland iyo Somalia Bishii 23 Feb waxa markii u horraysay ee arrintani dhacdo in ciidammo Booliska Somaliland ah loo xidho Dirayska astaanta u ah ciidammada Somalia, waxaanay arrintani markhaati u tahay in xukuummadda tallada haysaa jebisay dernigii innoo dhexeeyay Somalia ee muujinayay inaynu nahay laba dawladood oo jaar ah.”sidaa waxa yidhi Aqoonyahan Siciid Axmedoo ka mid ah dhallinyarada reer Somaliland ee isha ku hayay muuqaallada dirayska cusub ee Booliska Somaliland.

 

 

Inkasta oo Somaliland waxyaabo badan qabsatay, isla markaana shuruudo badan oo dhinaca dhismaha dawladnimo ah oo dunidu ku xidhay ay buuxisay, haddana weli wax aqoonsi ah kamay helin beesha Caalamka. Waxaana shirweyne dawladda Ingiriisku u qabatay dhinacyada Soomaaliya 23-kii bishii 2-aad ee sannadkan 2012-ka beesha caalamku ku go’aamisay inay Soomaaliya iyo Somaliland oo laba dhinac ahi is-hor-fadhiistaan, isla markaana muqtaqbalkooda siyaasadeed iyo waxay kala yeelayaan iyagu ka wadahadlaan, waxaana go’aankaa ka dib bishii June ee sannadkan hirgalay in Guddiyo ay labada dhinac wadahadalkooda u saareen ku kulmaan London, iyaga oo markii ugu horraysay intii Somaliland goonida uga istaagtay Soomaaliya ay laba Madaxweyne oo labadaa dal ka kala socdaa ku kulmeen magaalada Dubai ee waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, heshiisna halkaa ku kala saxeexdeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Haddaba, waxay dad badani u arkaan tan iyo intii Madaxweyne Siilaanyo uu xilka qabstay inay soo if-baxeen tallaabooyin xukuummadihii kala danbeeyay aanay ku dhicin oo uu ku wiiqay, kuna jebiyay  go’aanno iyo qodobo sharciya oo sheegaya madaxbannaanida Somaliland ee shacabku ku heshiiyay ;kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, inaan Siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqmeedka Somaliland ka qaybgelin Shirarka loo qabanayo Soomaaliya, taasoo Xeer ay hore Golayaasha Sharci-dejintu u ansixiyeen oo mabnuucaya in shir Soomaaliweyn laga qaybgalo, Madaxweyne Siilaanyo dalbaday in wax ka beddel lagu sameeyo, isla markaana Guurtida iyo Wakiilladu ansixiyeen wax ka beddelkaas oo dhigaya inay Somaliland ka qaybeli karto shirarka Soomaaliya, taasoo keentay in hadda Madax-dhaqmeed, Siyaasiyiin, Aqoonyahan iyo Wax-garad reer Somaliland ah oo inta badani magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Hargeysa ka tagay ay ku sugan yihiin shirka ansixinta iyo doorashada Baarlamanka cusub ee Soomaaliya oo ka socda magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, marka la isku-soo wada duubo, waxay dad badani walaac ka muujinayaan in wax badani iska beddelaan mawqifyadii gooni-isu-taagga Somaliland, iyada oo Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqmeed kala duwanina hore ugu eedayn jireen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu yahay siyaasi  looga shakisan yahay inuu hunguri ka hayo inuu u socdo dhinaca Soomaaliya, isla markaana wado hirgelinta qorshayaal la sheegay in loola yimi oo la xidhiidha in la soo celiyo midnimada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland mar kale ka mid noqoto Soomaaliya. Inkasta oo uu Madaxweynuhu marar badan oo uu qaddiyadda gooni-isu-taagga ka hadlay ku cel-celiyey inaanay dhinici doonin inay Somaliland ka noqoto madax-bannaanideeda iyo raadinta aqoonsi ay beesha caalamka ka hesho. Haddana, waxay dad badani saluug ka muujinayaan siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Silaanyo ee Somalia.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

info@berberanews.com