Salaaddiin Jawaab ka Bixiyey Eedo loo Jeediyey oo la Xidhiidha Go’aan ay ka Gaadheen Khilaafka Warashadda Sibidhka Berbera

Hargeysa-(Berberanews) – Salaadiinta Beelaha Subeer-Awal, ayaa maanta jawaab ka bixiyey eedo kala duwan oo ay hore ugu soo jeediyeen xubno reer Saaxil ah oo ka horyimi go’aan salaadiintu ka soo saareen khilaafka warshadda sibidhka Berbera.

Salaadiinta oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxay si kulul u naqdiyeen  hadalo ka soo baxay xildhibaanno, aqoonyahano, saddex suldaan iyo guddida Dan iyo Duco oo maalintii Salaasadda lagu baahiyey warbaahinta kala duwan, kuwaasoo salaadiinta Subeer Awal ku dhalliilay inay dalka ka hurinayaan kicin iyo iska horkeen, isla markaana ka horyimi go’aan salaadiintu ka soo saareen khilaafka warshadda sibidhka Berbera, iyadoo sallaadintu  wax lala yaabo ku tilmaamay dhaliilaha aan loo meel dayin ee loo jeediyey.

Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ugu horayn shirkaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Shirkan jaraa’id waxa u jeedadiisu tahay in aannu jawaab kaga bixino koox aannu salaadiin u nahay oo ay ku jireen xildhibaanno iyo saddex suldaan oo salaadiinta Subeer Awal ku weeraray warbaahinta maalintii shalay (Salaasadii), hadaba shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba  layaab ayey ku noqotay hadalkaas deelqafka ku ah salaadiinta, maadaama salaadiintu dhaqankeena ka yihiin birimagaydo, markaa ninka suldaankiisii weeraray dhaqan umaynaan lahayn, dulucda shirkayagani waxa weeye laba warsaxaafadeed oo shalay (maalintii salaasadda) warbaahinta ku soo baxay oo salaadiinta lagu weeraray oo ay soo kala saareen guddida warshadda Sibidhka Berbera (Berbera Cement Factory) iyo kooxda kale ee saalaadiinta iyo xildhibaannada ah, wax jawaab ah ma mudna, labadaas warsaxaafadeedna waxa nooga baxay laba qodob oo qudha, qodobka koowaad waxa uu ahaa oo ay yidhaahdeen ‘salaadiinta umaannu wakiilan xallinta khilaafka iyo qodobka labaad oo ahaa kamaanu warqabin goorta madaxweynaha Somaliland salaadiinta u wakiishay go’aanka warshadda sibidhka,” ayuu yidhi Suldaan Xasan,

Waxa suldaanku sheegay in labada qodob ee ku jiray wasaxaafadeedka lagu weeray ay layaab ku noqdeen, isagoo tilmaamay in xallinta khilaafka warshadda sibidhka Berbera soo martay marxalado badan.

 “Labadaas qodob ayaa layaab nagu noqday, runtii xallinta khilaafaadka warshadda sibidhku marxalado badan ayey soo martay, ergo ballaadhan baana arrintaas u kacday, iyagoo sallaadiin ahaana noo yimi oo naga codsaday in aan salaadiinta laga maarmi karin, waxay nagu yidhaahdeen naga caawiya xallinta khilaafka warshadda sibidhka, sidaas ayeyna salaadiintu ku gashay xallinta khilaafka warsahdda sibidhka, labada dhinac ee arrinta isku hayaba waannu u tagnay, markaa layaab bay nagu noqotay markii aanu maqalnay hadalka shalay (maalintii Salaasadda) guddida warshadda sibidhka Berbera ka soo baxay ee ay ku yidhaahdeen ergaba noomay iman, arrintaasina la yaab bay nagu noqotay,” ayuu yidhi suldaanku.

“Markii aanu labada dhinac ba u tagnay waxa shuruud nagu xidhay kooxda warshadda sibidhka ee Berbera, iyadoo aanay kooxda Saaxil Cement Factory wax shuruud ah nagu xidhin, shuruudaasina waxay ahayd in hawshaa xallinteeda ay dawladdu gacanta ku hayso, hadaba guddida warshadda Berbera Cement Factory waxay u tageen madaxweynaha oo ay u sheegeen inuu ka warhayo guddida salaadiinta ah ee khilaafka ku jirta, madaxweynuhu waxa uu ugu jawaabay, dalkeenu waxa uu ku caanno maalay wadatashi iyo hannaanka dhaqanka wax walba lagu xaliyo, wuxuuna ku yidhi, “xallinta khilaafka warshadda bannaanka ula baxa oo soo dhamaystay iyadoo gudidii salaadiinta ahina ka shaqaynayaan, waxaanna madaxweynaha ka soo qaaday in salaadintu xallinta khilaafka warshadda la wareegto ergadii is-xilqaantay oo Muuse Dalab ku jiray, iyagaana noola yimi oo ergadii isku xilqaantay xallinta khilaafka warshadda sibidhka Berbera waxay u yimaadeen salaadiinta Subeer Awal, waxayna nagu yidhaahdeen, ‘hawshii warshadda sibidhka nagala wareega, kadib markii ay caqabad yar kala kulmeen guddida warshadda sibidka ee Berbera (Berbera Cement Factory), hawshaas markii aanu guddo galnay waxa guriga salaadiinta loogu yeedhay laba dhinac ee khilaafku ka dhexeeyo, waxa soo horeeyey warshadda sibidhka Berbera oo Muuse Dalab hoggaaminayey, hawshii baannu ka waraysanay, waxa kale oo loo yeedhay guddida warshadda sibidhka ee Saaxil Cement Factory, iyaga dhinacooda xogwaraysi ayaa lala yeeshay.

Markii hawshaasi dhammaatay, waxa salaadiintu galeen doodo iyo falanqayn dheer oo la xidhiidha xallinta khilaafka warshadda sibidhka Berbera, kadibna waxa saladiintu soo saareen go’aan xal ah oo ay ka gaadheen xallinta khilaafka warshadda sibidhka Berbera, go’aankaasina waxa uu ku soo ururayey in dalku u baahan yahay warshad sibidh oo lagaga kaaftoomo dhaqaalaha adag ee dalka kaga baxa la soo degida sibidhka, go’aankaasina kumaanan odhan cidaas ayaa la siiyey warshadda sibidhka, cid lama siin, waxaannu dawladda u jeedinay in labada warshadoodba loo baahan yahay, haday iyagu midoobayaana  iyagay u taal.

Hadaba waxa layaab nagu noqotay warsaxaafadeedka shalay lagu soo weeraray saxaafadda ee lagu yidhi waxay ahaayeen fidmo abuur, annagu hadaaanu salaadiinta nahay fidno aanu dejino mooyaane fidno aannu abuuro ma jirto, eedaha iyo dhalliilaha shacabka aanu salaadiinta u nahayna dul qaada waanu leenahay.

Waxaanan ilaahay uga baryayaa in kooxdaasi aan lagu suntin kooxdii salaadiinta weerartay, waaanu uga ducaynaynaa oo sida shacabkayagu uga naxeen bannu uga ducaynaynaa, go’aanka aannu soo saarto oo ahaa mid xal, xukuumadduna go’aanka kama dambaysta iyadaa  leh, xukuumaddana waxaannu ku boorinaynaa inay go’aan degdeg ah ka gaadho oo weliba lagu wada qanco go’aanka dawladdu ka soo saarto warshadda sibidhka, shacabkana waxaan leeyahay meel halooga soo wada jeedsado nabadgelyada iyo maalgashiga dalka.

Guddida Dan iyo Duco ee lagu aasaasay shirkii Dubureed oo warsaxaafadeedka lanagu weeray ku jiray waxaan leeyahay anaga lanaguma khuukhin karo guddida dan iyo duco oo aniga iyo suldaan Kooshin waxannu nahay kuwii guddidaas dhalay ee ka shaqaynayey shirkii Dubereed.”Ayuu yidhi Suldaanka Guud ee Subeer Awal.

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo ah suldaanka guud ee beelaha Ciise Muuse, kaasoo tilmaamay in go’aanka salaadiintu soo saareen ahaa mid xal u ah guud ahaan dalka Somaliland, waxaanu taageeray hadalka Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan ka sheegay shirka jaraa’id.

Suldaan Axmed Nuur Samaale oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in kooxda weerartay salaadiinta subeer awal ay leeyihiin subxaana laah, isagoo tilmaamay in aan la arki jirin go’aan salaadiin soo saartay oo la beeniyo ama laga daba yimaad, isagoo tilmaamay in salaadiintu u taagan yihiin xalinta khilaafyada kala duwan ee ka dhaca bulshada ay salaadiinta u yihiin.

Waxa suldaan Axmed Nuur tilmaamay in ganacsigu xor yahay, isla markaana go’aanka ay soo sareen oo ahaa mid ku salaysan in labada warshadood ee sibidhku mid waliba sideeda u shaqayso oo hawsheeda u wadato, isagoo xusay in dadka ka soo horjeeda go’aanka salaadiinta aan ujeedadooda la garanayn, balse lagu macnayn karo in aanay doonay in dalka uu ka hirgalo ganacsi aan xor ahayn.

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Boqor Xasan Maxamed Siciid oo sheegay in xukuumadda looga baahan yahay inay go’aan salliim ah ka soo saarto muranka warshadda sibidhka Berbera, magacyada Sulaadiinta go’aamda kaga soo saaray shirkoodaasi jaraa’id khilaafkii warshadda Sibidhka ee Berbera waxa ka mid ah.

 

1-Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahu Suldaan Cabdiraxmaan

2. Suldaan Ibraahin Sulub Nuur

3-Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday

4-Boqor Xasan Maxamd Siciid

5-Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahin [Tuulo]

6-Suldaan Cismaan Suldaan Cali kooshin

7. Sudlaan Axmed Nuur Salaame

8-Sudlaan Islaamciil Aadan [Baxar]

9-Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele

10-Suldaan Maxamuud Xandule.