Ergada Ansixinta Dastuurka Somalia oo Cod Aqlabiyad ah ku meel-mariyay iyo sadex qof oo ku dhintay Weerar is-miidaamin ah oo lagu qaaday Xarunta Shirka

Muqdisho-(Berberanews)-Ergada anixinta Dastuurka Ku-meelgaasha ah ee Somalia, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meelmariyay Distoorka cusub ee Somalia yeelanayso oo ah  Nidaamka Federaalka ah.

621 ergay oo madasha shirka ku sugnaa ayaa ogolaaday Ditsoorka ku-meelgaasha ah cusub, waxa diiday 13 ergay, waxaa ka aamusay laba xildhibaan, waxaanna sidaa ku ansaxay Ditsoorka cusub ee Somalia oo ay ku jiraan qodobo ka hor imanaya Diinta Islamka oo ay ka mid yihiin in hawenku iska soo ridi karaan carruurta.

Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa natiijadii kasoo baxday codeynta ergada, waxaana madasha lagaga dhawaaqay inuu shirkani ku ansaxayo codka shacabka Somalia.

 “Dadaalkii aan muddo hal sano laga joogo ugu istaagnay in Soomaaliya ay dastuur yeelato maanta ayay dhabowday, waxaana uga mahadcelinayaa arrintaas ergada ansixinta dastuurka oo xil gaar ah iska saray inay mas’uuliyadii dusha ka saarnayd ay si wadaniyad iyo islaamnimo ah ay u gutaan,” sidaa waxa yidhi Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Dhanka kale, ciidammada Booliska dawladda ayaa fashilyay weerar ismiidaamin ah oo laba nin oo bambooyin iyo walxaha qarxa isku soo xidhay ku soo qaadeen Goobta uu ka socday shirku, ka dib markii boolisku gaadhka ka ahaa goobtu ku qabteen labadaas nin oo soo sammaystay kaadhadhka shirka oo ay foojar gareeyeen.

Haseyeeshee markii la ogaaday si kedis ah isugu qarxiyay goobtii lagu qabtay iyadoo inta la ogyahay uu  ku dhintay hal askari iyo labadii qof ee is qarxisay, waxaana ku dhaawacmay hal qof oo kale.