Baadhista Hanti-dhawrka ee Wasaaradda Warfaafinta, Musuqa Dul hoganaya Masuulliyiin lala xidhiidhnayo Luunsiga Boqollaal kun oo Dollar iyo sirta fashilisay Xadhiga Agaasimaha

Hargeysa-(Berberanews)-Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, ayaa hawlgal-baadhiseed  ku ekeeyeen Wasaaradda Warfaafinta Somaliland xabsiga u taxaabay Agaasimaha lacagta iyo xisaabaadka ee Telefishanka Qaranka  Xasan Maxamuud Maxamed.

Xadhigga Xasan Maxamuud Maxamed waxa uu ka danbeeyay markii Hanti-dhawrku doraad warqad ku dhejiyeen Xafiiska Agaasimaha ee ku dhexyaal Xarunta Wasaaradda War-faafinta, ka dibna quful weyn dusha ka sudhay. Wasaaradda Warfaafinta Somaliland waxay ka mid tahay wasaaradaha uu biyo-dhigay musuqmaasuq ballaadhan oo ragaadiyay Hay’ado badan oo dawladda ah, islamarkaana saamayn weyn ku yeeshay shaqada Warbaahinta xukuumadda ee Telefiishanka Qaranka Somaliland, Idaacadda Radio Hargeysa  iyo Wargeyska DAWAN oo musuqmaasuq ragaadiyay ka dhigay inay shaqadoodu fadhiid noqoto

Haddaba, haddaynu milicsanno sirta dhabta ah ee ka dambaysay xadhigga Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee TV-ga Qaranka Somaliland, waxay salka ku haysaa sida ay Berberanews u xaqiijiyeen ila-wareedyo si dhaw ula socday arrintani, in Agaasimaha la xidhay u bandhigay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo wakhti ka yar laba bilood xilka hayey inuu iska beddelo Baabuurka uu wato, isla markaana Macdarka uu uga dalbado Gaadhi cusub oo Laangaruusal ah, dalabkaasoo ujeedada laga lahaa u muuqatay mid la doonayay in Agaasimaha cusub ka mid noqdo shebekad musumaasuq oo ka jirta Wasaaradda.

“Hawshan baadhista Wasaaradda Warfaafinta waxay timi ka dib, markii Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta TV-ga Qaranku Xasan-Dheere Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta ku yidhi; ‘Agaasime Gaadhi indha-cadde ah ayaad wadataa ee aynu Macdarka Gaadhi ka dalbanno, waxa Gurigaagu u baahan yahayna ka hawlgalno sidii aynu u dhammayn lahayn. Markaas, ka dib Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafintu dareen buu qaatay, waxaanu tagay Madaxtooyada oo uu u sheegay in Musuqmaasuq Wasaaradda ka jiro, sidaa darteedna waxa uu dalbaday in Hanti-dhawrka guud Baadhis dhammaystiran ku sameeyo, Madaxtooyaduna waxay amartay in Hanti-dhawrka guud baadhis ku sameeyo Wasaaradda Warfaafinta.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ila-wareedyada ay Berberanews xogtan ka heshay oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

ilo-wareedyadu intaa ku dareen, in baadhista lagu sameeyey Wasaaradda Warfaafinta lagu ogaaday Lacago Boqollaal kun oo Doollar ah oo si dadban iyo si badheedh ahba loo leexsaday. “Lacagaha la weecsan jiray ee baadhayaasha Hanti-dhawrka guud ka socday ay fashiliyeen ama ogaadeen, waxa ka mid ah in kirada Satalaydka uu TV-gu ku jiro Tycon bishii ay tahay $12000 dollar, balse Masuuliyiinta Wasaaraddu, gaar ahaan Agaasimaha Xidhan ee Maamulka Lacagta iyo Agaasimihii guud ee Wasaaraddaas Faysal Cali Sheekh dallacan jireen lacag dhan $48,000 Doollar, taasoo la soo saaray in 36,000 lix iyo soddon kun oo Doollar bil kasta lagu musuqmaasuqi jiray lacagta kirada TV-ga ee Hawada Satallaydka, markii lacagtaas iyo lacago badan oo kale oo la musuqi jiray la ogaadayna waxa Hanti-dhawrku dalbaday in la xidho Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee TV-ga Qaranka, kaasoo immika ku xidhan xarunta ciidammada C.I.D-da ee magaalada Hargeysa.” ayey yidhaahdeen ila-wareedyada Berberanews soo xigatay.

Haseyeeshee waxa isweydiin leh tallaabada uu Hanti-dhawrku qaaday ma noqon doonaa mid u gasha masuulliyiin tiro badan oo u kala danbeeyay Wasaaradda iyo kuwo weli jooga oo lacago badan luunsaday mise wuxuu ku ekaan doonaa Agaasimaha lacagta iyo xisaabaadka ee Telefishanka Qaranka  Xasan Maxamuud Maxamed?

La soco qayb danbe oo aanu ku milicsan doono tabaha iyo xeelaha Masuulliyiinta Wasaaradda Warfaafintu ku luunsadaan lacagaha tan iyo intii xukuummada Madaxweyne Silaanyo xilka la wareegtay.

Berberanews.com

info@berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.