Dib-u-dhiska Garoonka Diyaaradaha Burco ma ka badbaadi doonaa Fadeexadda Musuq ee hadhaysay Wasaaradda Duulista?

Burco-(Berberanews)- Iyada oo aan weli xal loo helin fadeexad musuqmaasuq iyo dib-u-dhac ah oo dul-hoganaysa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayuu haddana Wasiir Xaashi sheegay in dhawaan la bilaabayo dib-u-dhis lagu samaynayo Madaarka magaalada Burco oo uu hore afka Ood uga saaray.

Fadeexadda dul-hoganaysa Wasiirka Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi, ayaa ah mid ka dhalatay Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo shaqadeedu tahay Macdanta iyo Beeraha oo la yidhaahdo China Hono Group, taasoo si wax is-daba-marin iyo musuqmaasuq ah lagu siiyey Qandaraaska dib-u-dhiska Madaarka caalamiga ah ee Caasimadda Hargeysa oo aan shaqada dib-u-dhiskiiisu weli bilaabmin, muddo saddex bilood ahna hadda xidhan, ka dib markii uu Wasiirku duullimaadyada ka joojiyey, isla markaana Dhagax-jebin iyo Dhagax-dhig lagu sameeyey dhawr bilood ka hor, iyada oo Wasiirka iyo xubno sheegtay inay Shirkaddaa madax ka yihiin sheegeen inay dhismaha bilaabayaan badhtamaha bishii June ee aynu ka soo gudubnay.

Hase-yeeshee, iyada oo fadeexaddaasi taagan, ayuu Wasiir Maxamuud Xaashi toddobaad ka hor hawl-gal lagu bannaynayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Burco bilaabay, isla markaana sheegay in dhakhso loo bilaabi doono dib-u-dhis lagu samaynayo Madaarkaas oo uu hore u sheegay inay ku baxayso lagac lagu qiyaasay $500,000 (shan boqol oo kun oo Doollar, (Haaf Milyan Doollar). Sidaa daraaddeed, ayuu maanta Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar, waxa uu magacaabay Guddiga dib-u-dhiska Madaarka Burco.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Mr. Cabdoo, waxa uu dib-u-dhiska garoonka diyaaradaha Burco u magacaabay Guddi ka kooban 13 xubnood, waxaanu sidaa kaga dhawaaqay kulan maanta lagu qabtay xarunta maamulka Togdheer ee magaalada Burco, waxaanu sheegay inay xubnaha Guddigani bilaabi doonaan, isla markaana maamuli doonaan dhaqaale ururin si tabarruc ah looga ururin doona dadweynaha reer Somaliland, sida Qurbo-joogga, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada reer Somaliland, gaar ahaanna reer Togdheer.

Waxa jira wel-wel badan oo ay dadweynuhu ka muujinayaan qaabka hawshan lagu tilmaamay taboruccaadka dhaqaalaha loogu ururinayo garoonka diyaaradaha Burco waxa uu Wasiirka Duulistu u qorsheeyey marka uu shaaciyey in lacag shan boqol oo kun oo Doollarka Maraykanka ah lagu dhisi doono Madaarkaas. Halka ay dad badan oo kale walaac ka muujinayaan ta ay noqon doonto Shirkadda Qandaraaska lagu siinayo dhismaha Garoonkaas, iyada oo laga shaki qabo in la siiyo qandaraaskaas Madaarka Burco Shirkadda ka shaqaysa Macdanta iyo Beeraha ee China Hono Group oo hore loo siiyey qandaraaska garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Caasimadda Hargeysa. Balse illaa hadda lama qaban tartanka qandaraaskaas, lamana shaacin xilliga la qabanayo.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkaddan Beeraha iyo Macdanta ka shaqaysa ee China Hono Group oo aan wax dhismo ah oo ay shaqo ku lahayd jirin Hargeysa ka hor, ayaa la sheegay inay Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Shaqsiyaad ka tirsan hawl-wadeennada Shirkaddaasi ay wada-shaqayn gaar ahi ka dhaxayso, isla markaana waxay xogaha Berberanews heshay sheegayaan in si sharci-darro ah ay Somaliland uga dhoofiso Dhagaxanta Macdanta ee Dahabka laga sameeyo.

La soco qaybo kale oo ka mid ah Xogaha ay Tifaftirayaasha Shabakadda Berberanews u soo ururiyeen Akhristayaashooda.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

info@berberanews.com