Kumannaan Reer Japan ah oo dhigay Mudaharad ay ku dalbanayaan Joojinta Quwada Nucelarka

Tokyo-(Berberanews)-Kumannaan reer Japan ah, ayaa shalay isu-soo-xa ballaadhan oo ay ku dalbanayaan in gebi ahaanba xayiraad dawladdu saarto awoodda Nuclearka dalkaasu leeyahay.

Mudaharaadayaashu oo  ku wareegay dhismaha nafaqanta ee Tokyo axaddii aynu soo dhaafnay ayaa dawladda Japan ee iyo Raysal wasaaraheeda Yoshihiko Noda ka dalbaday inay joojiso awoodda Nucelar ee ay leedahay. Ka dib markii dawladdu dib u bilowday inay kiciso laba ka mid ah madaxyada Nucelarka ee dawladdu haysato, Kuwaasoo cabsi xoogan ka soo foodsaartay ddhacdo sannadkii hore ay Xarunta Wershadda Fukushima ee Nucelarka ay neefsadeen.

Bishii May ee aynu ka soo gudubnay ayay dawladda Japan demisay 50 Nuclear, iyadoo dawladdu tallaabadaas ku sheegtay mid ah ku hubinayso nabadgelyadooda iyo xaaladda ay ku suganyihiin.

 

Berberanews.com

Info@berberanews.com