Guddida Diiwaangelinta Ururada oo wakhti kama-dambaysa u qabtay buuxinta shuruudaha ururada u tartamaa doorashooyinka , shakina ka muujiyay doorasho ka dhacda Gobolka Sool.

Hargeysa-(Berberanews)- Guddida Diiwaangelinta ururada siyaasadeed ee u tartamaya doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay wakhtiga kama danbaysta ah ee ay ku dhawaaqayaan ururada buuxiyay shuruudaha ku xidhan ee looga baahanyahay.

 War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Guddida Diiwangelinta ee magaalada Hargeysa, ayaa wakhti kama danbaysa u qabtay ururada isu diiwaangeliyay tartanka doorashooyinka goleyaasha deegaanka inay ku soo dhammaystiraan shuuradaha qabyada ah ee uu xeerka doorashooyinku dhigayo.

Guddida Doorashooyinka waxay shaki ka muujiyeen doorasho ka qabsoonta Gobolka Sool, ka dib markii ay sheegeen in diiwaangelinta kunka qof ee gobolkasta looga baahanyahay inay uga diiwaangashanaadaan gobolkasta in ururadu boqolkiina labaatan ($20) kunka qof ee ururkasta ka helayo Gobolka Sool ay ku diiwaangeliyaan xafiisyadooda magaalada Caynabo, taasoo mugdi gelinaysa doorasho ka dhacda Gobolka Sool oo ay gacanta ku hayso xukuummadda Somaliland, ka dib markii ay ka cadhaysay maamulka Puntland sanadkii 2008.

War-saxaafadeedkaas oo dhammaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “1- Waxa laga rabaa urur kastaa in ay lixda gobol ugu diiwaan gashan tahay ugu yaraan 1000 oo haysta kaadhka codbixinta.

Hadaba waxa lagu xaqiijinayaa kunka qof.

A) Waa in laga diiwaan geliyo kunka qof iyo kaadhadhkooda xarumaha goboladda, gudidana lagu soo wareejiyo.

B) Waa in xafiiska guud ee goboladda ee ururada lagu diyaariyo ugu yaraan kun qof oo madax ka kow loo tirinayo gobol walba maalinta guddida u cayinto.

C) Gobolka Sool oo duruufo gaari ka jiraan guddidu iyadoo ka duulaysa Qodobka 26-aad Iyo xeerka nidaamka ururadda iyo axsaabta siyaasadda, waxa laga rabaa ururadda inay ka diyaariyaan magaalo madaxda gobolka Sool liiska kun qof ugu yaraan iyo inay magaaladda caynaba ku diyaariyaan xafiiskooda 20% tiradii kunka ahayd ee laga rabay.

D) Gudidu waxa ay bilaabaysaa hawsha kunka lagu xaqiijinayo 18/03/2012 sagaalka subaxnimo iyadoo uu hawlgalkaasi soo xidhmayo 30/3/2012, wuxuuna ka bilaabmayaa magaaladda Boorama.

2- Waxaa kaloo laga rabaa ururadda iyo xisbiyadda inay qabsadaan shirweynahoodii.

Waxay shirweynaha ku samaysanayaan

A) Waa inay ku samaystaan golahoodii dhexe, guddida fulinta, hogaanka ururka iyo qaab dhismeedka ururka.

B) Xeerka ururka iyo barnaamijka siyaasiga ah

C) Shirweyanaha waxa guddidu loo soo gudbinayaa nuqul maqal iyo muuqaal ah oo ay ku dhan yihiin waxyaabihii ugu waaweynaa ee shir weynaha lagu qabtay.

D) Shirweynaha waa inay goob joog ka ahaadaan ugu yaraan xubin guddida diiwaangelinta ka mid ahi.

E) Mudada qabashadda shirweynuhu waxa ay ka ka soo bilaabmaysay 15/04/2012, waxa ay ku eeg tahay ugu dambayn 15/04/2012.

3- Gudidu waxa ay ku dhawaaqaysaa natiijadda kala reebida ururadda 20/4/2012 iyada inta ka gudubtaa ka qayb gali doonaan doorashadda dawladdaha hoose.

4- Waxaanu ururadda u soo jeedinaynaa in ay isku biiraan si ay tayadoodu sare ugu kacdo.

5- Waxaanu ururadda iyo xisbiyadda u soo jeedinaynaa kuna adkaynaynaa in ay ilaaliyaan xeerarka dalka, nabadgalyadda iyo dhaqanka wanaagsan.”

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com