Wasiirka Maaliyadda oo tallo-bixin ka sammeeyay qaabka loo Maalgelin karo Warshadda Sibidhka Berbera

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay sida loo maalgelin karo ee dib-u-dhis loogu samayn karo Warshadda Sibidhka ee magaalada Berbera oo ilaa hadda aan loo hayn qorshe cad oo lagaga shaqaysiin karo.

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu xidhnaanshaha warshadda Sibidhka Berbera ku tilmaamay mid doqoniimo ah oo si fudud loo maalgelin karo, isagoo talo ka bixiyey sifaha lagu heli karo warshadaasi oo wax-soo-saarkeeda dalka iyo dadkuba ka faa’iidaystaan.

“Dalkeenu waa mid dihin oo u baahan in horumar la sameeyo, shaqo la’aanbaa na haysa waa wax laga gudbi karo ee waa in aynu hal-abuur yeelanaa oo aynu wax-soo-saarnaa oo aynu warshadihii samaynaa. Warshadii Sibidhku si doqoniimo ah ayey inooga cadillan tahay sida runta ah, waayo hebel baa leh iyo hebel baa leh waxa ka wanaagsan iyadoo inta guddi loo sameeyo warshadda dadka la yidhaa wax-ku-lahaanshaheeda (shares) iibsada, dadkeenu min Australia ilaa Canada way iibsan karaan, dabadeedna la yidhaa yaan la xidhine ha iska socoto [shares-ku], marka uu qiimuhu dhammaado waxa la samayn karaa in warshado kalena laga ag abuuro lacagta siyaadada ah ee soo hadhay oo ay isku noqdaan warshad guud uun, laakiin in ay inaga xidhnaato warshadaasi maaha,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda oo maanta hadal ku saabsan Miisaaniyadda 2012 ka jeediyey fadhigii Golaha Wakiillada.

Eng. Xaashi waxa uu sheegay in dadka qaar aanay oggolayn inay bixiyaan cashuurta, kadib markii ay waayeen waxqabad loogu sameeyo, taa beddelkeedana wasaaraddiisu ay waxqabad samaysay si dadku u aaminaan, isagoo tusaale u soo qaatay waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe ee dawladda oo bilaash laga dhigay, mushaharooyinka shaqaalaha iyo ciidammada oo la kordhiyey, isla markaana ay sannadkan arrimo kale ku talo-jiraan.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com