Shabeellada Dhexe: Maydadka dhallinyaro la gawracay

Shabeelle-(Berberanews)—Deegaanka Maxamed-siciid oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, ayaa saaka lagu arkay maydadka sadex wiil oo dhallinyaro ah. Kuwaasoo aan la aqoonsan cidda geysatay falkaaas foosha xun.

Qaar ka mid ah dadka deegaankaas ku nool oo ay argagax ku noqotay falka waxshinimmada ah ee lagula kacay dhallinyarada, kuwaasoo sheegay inaanay dhallinyaradaasi ku lu lahayn wax siyaasad ah.

“Wiilashu waxay ahaayeen dadka deegaanka lamana oga sababta keentay in la gorwaco,” sidaa waxa yidhi qof cabsi daraadeed uga gaabsaday in magaciis ala sheego oo ka mid ah dadka deeganka falkani ka dhacay oo ay ka taliso kooxda laga itaalka roonaaday ee Al-shabaab.

Tan iyo intii ay soo if-baxday kooxda mayalka adage ee Al-shabaab oo dhawaana ku dhawaaqay inay ku biireen urur-weynaha argagaxisada ah ee Al-qaacida, waxay falal isugu jira gawrac, xubno-jaris iyo dhagax-dil kula kaceen dad badan, oo ay u arkaan inay ka soo horjeedaan fikirkooda amma siyaasadooda.

Dadweynaha ku nool Gobollada dhexe  oo haatan badi gacanta ugu jira kooxda Al-shababaab waxa soo foodsaartay cabsi ay ka qabaan dhibaatooyin ka dhan ah oo kooxdaasi kula kacdo.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com