Ruushka: codbixnta Doorashada Madaxtooyadda, magacyadda xubnaha ku loolamaya iyo sida loogu kala horeeyo Wareega hore

Moscow-(Berberanews)- Shacabka Rusia waxay maanta oo axad ah u dareereen codbixinta doorashada Madaxtooyadda dalkaas oo muddooyinkii u danbeeyay ay hadhaysay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo xukuummadda dalkaas.

Raysal-wasaaraha Dalka Ruushka Vladimir Putin iyo  Marwadiisa Lyudmila Putina waxa goor hore oo saaka ah lagu arkay mid ka mid ah goobaha codbixintu ka socoto Moscow oo uu codkiisa ka dhiibtay, halkaasoo Madaxweyne Putin lau weydiiyay dareenkiisa codbixinta, waxaannu si kooban u yidhi, “Waxkastaa waxay ku xidhanyihiin codbixiyayaasha”

Codbixinta Ruushka

Hoggaamiyaha abaanduulaha u ah mudaharaadayaasha mucaaridka ku ah Putin, Alexei Navalny, ayaa ku andacooday inaanay doorashooyinku ahayn kuwo xor iyo xalaal ah islamarkaana tirinta codadku aanay xaq iyo run midkoodna noqon Karin.

Kormeerayaasha madaxa bannaan ee doorashooyinka la socda iyo xubno ka mid ah mucaaridka, ayaa sheegay inay diiwaangeliyeen arrimmo badan oo khalkhal iyo khiyaamooyin ka dhacay  Guddida Diiwaangelinta. Ku dhawaad sadex boqol iyo todobaatan kun (370,000) oo hawlwadeenno ka ah 90,000 oo goobood.

Dhacdooyinka yaabka leh ee ku xeernaa doorashooyinka madaxtinimmada Ruushka waxa ka mid ahaa muddo yar ka dib markii uu Putin iyo xaaskiisu codkooda bixiyeen ay saddex haween ah oo ka ag dhawaa Putin dilaaciyeen garammo ay xidhnaayeen kuna dhawaaqay “Putin waa tuug, “kuwaasoo boolisku xidheen.

Saadaasha laga bixiyay doorashada Madaxweynaha Ruushka, ayaa loo badinayaa Madaxweyne Putin inuu markii saddexaad ku guulaysanayo tartankan, iyadoo xilligan uu dalkaas ku jiro mudaharaado dhawaanahan ka socda oo lagaga soo horjeedo dawladda.

Guusha hordhaca ah ee Putin ku hoggaaminayo doorashooyinka sida loo badinayo saadaasha ka soo baxday xarumaha codbixiyayaasha wareegii kowaad waxa uu Madaxweyne Putin ku hoggaaminayaa boqolkiiba lixdan codadka (%60). Waxa ku xiga hoggaamiyaha xisbiga shuuciga Gennady Zyuganov, oo ah sharciyaqaaan markii afraad u tartamaya jagadan inuu kaalinta labaad galo oo uu helay codadka la bixiyay boqolkiiba shan iyo toban ($15).

Booska saddexdaa waxa ku loolamaya labada siyaasi ee Mikhail Prokhorov iyo Vladimir Zhirinovsky.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com