Madaxtooyada qalabkeedu wuu diwaangashan yahay ilaa mulqaacadda, maalinta Madaxweyanaha la badelo wuxuu qaadanayaa..”Wasiirka Maxamed Xaashi

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay inay diiwaangeliyeen dhammaan hantida dawladda iyo masuulliyiinta xukuumadda, si looga hortago inaanu musuqmaasuq dhicin.

Eng. Xaashi waxa uu sheegay inaanay dhici doonin masuul xilka laga wareejiyo oo masuulka uu ku wareejinayaa aanu ka tirsan agabka dawladda u diiwaangashan, xataa haday mulqacada noqoto, “ Madaxtooyada qalabkeedu waa uu diwaangashan yahay, ilaa mulqaacadu waa ay qoran tahay, maalinta Madaxweyanaha la badelo waxa uu qaadanayaa dharkiisa iyo wixii u gaar ah, ta kale kolka wasiir cusub yimaado wasiirku wasiirka ka tirsan maaye liis qoran oo hore u yiilay ayuu ku tirsanayaa , oo ay ku wada jiraan wixii qalab ahaa iyo wixii uu masuulka ka ahaa si loo hubiyo in aan waxba lumin ama aanu wasiirkaas wax ku takri falin.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi oo maanta warbixin ku saabsan Miisaainyadda sanadka 2012 u jeediyay Golaha Wakiilada Somaliland.

Wasiirku waxa uu ka hadlay korodhka dakhli ee ay wasaaraddiisu sammaysay,  “Waxaanu kordhinay dakhli soo saarkii, waxaanu samaynay diiwaangelin. Dhibaatooyinka yaallay waxa ka mid ahaa shaqaalaha iyo ciidamada oo mushahar aad u yar qaata, waxaananu isla qaadanay in ciidamada iyo shaqaalaha ahmiyad wayn la siiyo, markaa waxaanu kordhinay mushaharkii 100%, inkastoo aanu wali ku filnayn, insha allah waxaanu samayn doonaan kaabis miisaaniyadeed sannadka badhkii haddii ay noo suurogasho si ciidamada iyo shaqaalaha loogu kordhiyo mushaharka.”Sidaa ayuu yidhi Wasiirku Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu ka hadlay sababta dib u dhaca miisaaniyadda qaranka, isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Miisaaniyadan aan maanta idiin keenay ee 2012 habsaan yar baa ku yimid, oo waxa ay ahayd in aan December keeno, habsaankaas waxa sababay tirakoobkii ciidamada Qaranka, hadday yihiin ciidanka milatariga , booliska , asluubta, ciidanka badda iyo ka Madaxtooyada , ciidamadaasoo tirakoobkoodii dib u dhacay ,lixaa weyna ka qaada miisaaniyada, ayaa dib noo riixay sida runta ah,laakiin waanu ka soo horaynay sidii dhici jirtay”Ayuu sii raaciyey hadalkiisii wasiirka Maalida Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi

Waxa kale oo uu Wasiirka Maaliyadu sheegay inay waxyaabaha ay qabteen ka mid yihiin dugsiyada hoose dhexe oo ay lacag la’aan ka dhigeen.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email,info@berberanews.com