Liibiyaan ka cadhaysan Quraan Ciidammadda Nato ku gubeen Afganistan oo burburiyay xabaalaha dad kiristaan ah.Video

Bengazi-(Berberanews)-Kooxo reer Libya ah oo ka cadhaysan fal ciidammadda NATO ee Afganistan ku sugani ku gubeen kitaabka Quraanka Kariimka ah, ayaa burburiyay xabaalo ku yaal magaalada Bengazi, halkaasoo lagu aasay askar ku dhimatay dagaalkii labaad ee adduunka oo kiristaan ah.

Dawladda ku-meelgaadhka Libya, aya aiyadu raalligelin ka bixisay tallaabada lagu burburiyay xabaalahan.
sidoo kale, dawladda Britian, ayaa arrintan ku tilmaantay mid aan la aqbali karin, islamarkaana sheegtay inaanay jirin wax cadaymo ah oo muujinaya in la gubay kitaabka quraanka.

Daawo Video-gan