Wasiirka Maaliyadda oo sheegay sharciga la horgayn doono Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin

Hargeysa-(Berberanews)- Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay sharciga la horgeyn doono cidkasta oo lagu helo  boob iyo musuqmaasuq hantida ummadda, kuwaasoo uu  sheegay inuu hormood u yahay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir. Rayaale Kaahin.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu tilmaamay inuu tirtiray wax-is-daba marin iyo dhaqanno foolxun oo ragaadiyay xafiisyadda iyo xarumaha dakhli ee dawladda, kuwaasoo saammayn ku yeeshay nidaamka dawladnimmo, waxaannu farta ku fiiqay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo uu sheegay inuu Paris guryo iyo hanta kaga sammaystay dakhligii dalka,  “Markaa Raggan suuqa ka caytamaa wixii ay geysteen ayaa raadkoodii sii qoyan yahay, waxa la odhan jiray hebeloow waxaad na siisaa nus Malyuun Dollar, kolkaasaa kastamka Berbera la odhan jiray ganacsadahaasi 50% u sii cashuur dhaaf, 50% u sii kaash lacagtaasi meel ay ku dambaynaysayna lama garanayo. Dadkii rayidka ahaa ee baanka lacagta dhigtay ayaa lacagtoodii waayay. Imika ka soo qaad Ina Rayaale muxuu ku joogaa Paris ilayn shilin muu haysan markii horee, waxa weeye Guri weyn oo qaaliya iyo kharash badan ayuu ku joogaa Paris, halkana waxa lagu odhanayaa Gawaadhi ayaa lagaga hortagayaa waa arrimo aan is galayn. Wixii ay boobayeen ayuun bay sidani ku dhacday,”ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi oo waraysi siiyay Idaacadda Radio Hargeysa.

Wasiir Xaashi waxa uu sheegay in sida Cali-samatar loogaga dabategay xaquuqii uu geystay mid la mid ah lagu fulin doono cidkasta oo dalka dhacday, “Cali Samatar-ba waa ta laga daba tagay oo dadkii dadka laayay imika ayaa loo galay ayaan u malaynayaa, dadkii dalka dhacayna waa loo geli mar loo gelaba. Markaa anaga dawladayadani hanti urursigaasi kama jiro.”

Wasiirka Xaashi waxa uu isbarbardhig ku sammeeyay farqiga u dhexeeya miisaanaddii sanadihii hore iyo sanadkan iyo qaabka ay u baxdo,  “Miisaaniyadii aanu dhaxalay sanadkii 2010-kii waxay ahayd 47 Malyan oo Dollar xataa kontonkaba may gaadhsiisnayn ayaan u malaynayaa, lacagta la qaadi jiray way yarayd, sida loo isticmaali jirayna si hagaagsan may ahayn markii sanadkii dhawayd aanu shaqaalaha iyo ciidammadda u kordhinay 100% waxaan arkay in markaad qof gaajoonaya aad wax u dirto inaanay wax hagaagsani soo baxayn. Daryeelka shaqaaluhu waa waxa ugu muhiimsan. Afar kooxood ayaan diray oo waxaan ku idhi qoyska nolashoodu meel dhexaadka tahay intee ayay ku noolaan kartaa.markaa waxa I soo gaadhay jawaab ah $250 illaa 300, waxaan arkay wixii shaqaaluhu qaadanayay inay intaasi si aad ah uga hooseyso. Sidaasi ayaanu ugu kordhinay 100%. Imikana waxaan is leeyayay in kasta oo ay dagaalo iyo waxna jiraan wuxuun u kordhiya waxsoosaarkuna wuu kordhayaa. Sanadkii tagay 83 malyan oo Dollar ayaanu gaadhsiinay miisaaniyadda, sanadkana waxaan filayaa inaanu 100 Milyan gaadhno.”

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sheegay in  sanadkan 2012 badhtamihiisa ay mushaharkordhin u sammayn doonaan shaqaalaha dawladda, “Waxaanu ku rajo-weyn nahay inaanu shaqaalaha iyo ciidammadda wax u kordhino mushaharka boqolkiiba inta ay noqonayso uun baanu isla eegaynaa waxaan isleeyahay ma 20% ama 30% ayay noqon doontaa, laakiin imika kuma jiro balse sanadkan badhtankiisa iyo wixii ka dambeeya ayay noqonaysaa.”

Eng. Maxamed Xaashi oo ka jawaabayay mashaaruucda horumarineed ee miisaaniyadda sanadkan ku jira waxa uu yidhi,  “Waxa lagu qabanayaa $11Malyan ayaanu ugu tallo-galay horumarinta caafimaadka, waxbarashada, Beeraha iyo Biyaha inay intaasi aanu ka sii badinana waanu rajaynaynaa, waa in dadku dareemaan in horumarini jirto. Wadankuna waa wadan inagu filan ee inaynu shaqaysano uun baa meesha taalla. 15% wax ka badan ma qaadno cashuuraha. waxa maqan 85%, Waxaan qabaa marka dadka laga shaqaysiiyo ee tignoolajigana la isticmaalo inaanu intan ka sii badin karno miisaaniyadda.”

“Intii aanu geynay goobaha dakhiliga inamadii jaamacadaha ka soo baxay waxa kordhay cashuurihii bariga ee 8% ahayd, waxaana imika cashuurihii bariga inta korodhay waa 440% ,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu ka hadlay qorsheyaal ay ku yaraynayaan dakhliga faraha badan ee dalka debedda uga baxa,  “Waxa kale oo jirta Malaysia, Itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka waatan loogu baxo safar caafimaad, waxaanu isweydiinay dadkaasi tagayaa halkan dhakhtarkaasi ma ka heli karaan oo ma ka samaynaa. Markaa waxaanu isla garanay inay ina kalifayso dhakhaatiirtaasi dibada loogu baxayo, markaa waxay noqotay qiimayntii aanu samaynay 400 oo kun oo Dollar sanadkii ILAAHAY mahaddii meel ayaannu dhignay, qalabkii ay ku shaqaynayeena wuxuu noqday illaa 700 oo kun Dolar, isagana illaa 600 oo kun oo Dollar waanu u haynaa markaa in imika la diro oo tigidhadii loo soo sameeyo weeye dhalinyaradeena jaamacadaha caafimaadka ka soo baxdayna ay wax ka bartaan. Waxaannu doonaynaa haddii ay ugu badato inay safar caafimaad inooga baxaan 10%.”ayuu yidhi Waiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

 

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email,info@berberanews.com