Nuxurka Heshiis laba geesood ah oo dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Shirkad Shiinaha laga leeyahay

Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa heshiis laba geesood ah la saxeexatay maanta Shirkad laga leeyahay waddanka Shiinaha oo lagu magacaabo China Hono Group, taasoo ku guulaysatay tartan loo galay dib-u-dhis iyo dayac-tir lagu samaynayo garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeys.

Wasaaradda Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland iyo masuuliyiin ka socday Shirkadda laga leeyahay dalka Shiinaha ee China Hono Group, ayaa maanta si rasmiya u kala saxeexday heshiis lagu dhisayo garoonka diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawda iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha garoonka diyaaradaha Hargeysa. Waxa uu Wasiirku xusay in Qandaraas dhawaan la qaaday oo ay ku tartameen Shirkado badan ay ku guulaysatay dhismaha garoonka Hargaysa Shirkaddaas ay Heshiiska kala saxeexdeen ee lagu magacaabo China Hono Group.

Wasiirka Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxa lagu dhawaaqay natiijadii dadkii uu tartamayeey qandaraasyadda ee ka soo qaybgalay waxa ka mid ah shirkan maanta. Heshiiska aannu halkan ku kala saxeexanayno. Waa shirkaddii ku guulaystay qandaraaska garoonka diyaaradaha Hargeysa.”

Wasiirka Duulista Hawadda iyo gaadiidka Cirka Dawladda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay in  la bilaabi doono dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Berbera oo ay shirkad kale ku guulaysatay dayactirkiisa.

“Sidoo kale shirkad kale ayaa  ku guulaysatay qandaraaskii magaalada Berbera  loogu dhisayey madaar cusub. Marka maanta waxaanu saxeexayna, haddii lagu dhawaaqay17 bisha oo 18 bishan aanu siinay warqad ka hadlaysa iyagu inay dhisayaan oo ay iyaguna keenaan aqbalaad.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiirka Duulista Hawada Somaliland, waxa uu iftiiminayay nuxurka heshiiska oo uu ku tilmaamay in maaddaama lagu dhawaaqay in shirkaddani ku guulaysatay dhismaha garoonka in looga baahan yahay inay aqbalaan heshiiska si waafaqsan Nidaamka iyo Xeerka Jamhuuriyadda Somaliland oo caddaynaya in soddon maalmood heshiiska lagu  saxeexo ku guulaysiga qandaraaska ka dib, isla markaana ay qalabkooda soo raraan si shaqada loo bilaabo. “Nidaamka iyo xeerkuna waxa weeyaan in soddon maalmood in heshiiska la saxeexo oo ay qalabkooda soo raran sidii shaqadda loo bilaabi.” ayuu yidhi Wasiirka Duulista hawada iyo gaadiidka cirka maamulka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Dawladda Kuwayt ayaa Somaliland ka caawinaysa dhismaha garoonnada diyaaradaha ee magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, kaasoo ay ku baxayso adduun dhan Toban Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.