Hay’adda Laanqayrta Cas iyo Walaaca Suuriya ka haysta

Hargeysa-(Berberanews)- Hay’ada Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa ilaa Maanta Quud daraynaysa in maamulka Suuriya si rasmi ah ugu ogolaado in gargaar deg deg ah la gaadhsiiyo deegaanka Baabul Camar ee ku yaal Magaalada Xumus.

Ururka laanqayrta cas ayaa filaya in loo fasaxo gaadiidka sahayda u sida magaalada Xumus , hasa yeeshee Xukuumada Suuriya ayaa ku andacoonaysa in miino badani ay daadsan tahay wadooyinka gala magaaladaasi isla markaana ay khatar ku yihiin gaadiidka iyo hawl wadeenada hay’adan, Maamulka Dimishiq waxay intaas ku dareen baahida loo qabo in la sugo inta ay ka sifaynayaan miinooyiinka yaala wadooyinka loo maro deegaankaas .

Geesta kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Baankii Moon ayaa Maanta ka hor sheegay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay in Xukuumada Suuriya ay Xasuuq ba’an ku hayso dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Xumus iyadoo ay Cunto yaraan xoogani soo food saartay mujtamaca ku nool Magaaladaas.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.