Dedaalka Farsamaynta Nukliyeerka ee Iran, Rumaysi la’aanta Madaxweyne Obama iyo Wer-werka Israa’iil

Wanshington-(Berberanews)- Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama, ayaa arrin aan la aqbali karin ku tilmaamay in Iiraan ay samaysato hubka halista ah ee wax gumaada ee loo yaqaanno Nukliyeerka.

Madaxweyne Obama oo maanta Waraysi siiyay Wargayska lagu magacaabo Atlantic Magazine oo ka soo baxa Waddanka Kanada, waxa uu sheegay inaanu maamulkiisu ku deg degayn wakhtigan duqayn cirka ah oo lala beegsado Xarumaha Nukliyeerka ee dalka Iiraan isagoo intaas ku daray in lagu sii adkayn doono Xukuumada Tehraan Cuno qabataynta lagu soo rogay si ay ugu dhego nuglaato baaqyada caalamiga ah .

Warku wuxuu intaas ku darayaa inaanay miiska ka maqnayn duqayn cirka ah oo lagu burburiyo xarumaha lagu tayeeyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iiran.

Dhinaca kale, Ra’isal Wasaaraha Israa’iil oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa la filayaa inuu isniinta soo socota kula kulmo Guriga Cad ee looga arrimiyo waddanka Maraykanka Madaxweyne Barak Obama waxa ay labada hogaamiye ka wada hadli doonaan sidii looga takhalusi lahaa Nukliyeerka Dalka iiraan.

Warar Xog ogaal ah ayaa sheegaya in Isra’il ay doonayso in nukliyeerka Iiran la burburiyo inta aan la gaadhin bisha afaraad ee Sannadkan.

Si kastaba ha ahaatee, dalalka Reer Galbeedka ayaa guud ahaan si weyn uga walaacsan awoodda ay dawladda Muslimka ah ee Iran u leedahay curinta hublka halista ah ee Nuliyeerka, isla markaana waxay madaxda reer Galbeedku dedaal weyn ugu jiraan sidii looga hortagi lahaa quwaadda Islaamiga ah ee Iran.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.