Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo dhexmaray Kooxda Galgala iyo Puntland

Bosaso-(Berberanews)- Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa ka hadlay dagaal dhexmaray ciidammo Maleeshoyaad xoogaga labada garab e kala jabay ee Buuralayda Galgala oo garab ka mid ahi sheegeen inay ku biirtay Kooxda Al-shabaab.

Deegaanka dhexmaray labada dhinac oo ka dhacay Balli-Kheyr oo qiyaastii 30-km koonfur ka xigta magaalada Boosaaso, ayaa wararka ka soo baxayaan sheegeen inuu khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jiraa soo gaadhay dhinacyada dagaalku dhexmaray.

War-saxaafadeed ka soo baxay Afhayeenka madaxtoyada Puntland Axmed Cumar Xirsi, ayaa lagu sheegay in habeennimadii xalay ay kooxda Galgala weerar ku soo qaadeen fadhiisiin ciidammada booliska Puntland ku leeyihiin dulleedka Bosaso.

‘’Khasaare ba’an ayaa gaadhey ,dhimashadoodu waxay gaadhey ilaa 7-qof ,marka la isku geeyo xalay isku dayga sameeyeen iyo dagaalkii maanta ,cisbitalka Bossaso ay yaaliin maydkoodu,waxana dhowaan usoo bandhigi doonaa warbaahinta’’.ayuu yidhi Afhayeenku.

Sidoo kalena, Kooxda Galgala, ayaa dhinacooda ka hadlay dagaalka dhexmaray Puntland, “Dagaalku wuxuu billowday markii ciidamada Puntland ay isku dayeen inay weerarro ku qaadaan mujaahidiinta ku sugan dhulkaas, waxaana inta aan hubno looga dilay dagaalka 27-askari, dhankeenana waxaa nooga dhintay saddex qof,” ayuu yidhi Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab.

Afhayeenku wuxuu sheegay inay qarax miino iyo baasuuke la heleen laba gaadhi oo ay wateen ciidamada Puntland,  halkaasoo ay ka dhalatay inta badan dhimashada ka dhalatay dagaalka, isagoo aan sheegin khasaaraha dhaawac ee dagaalkaas ka dhashay.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com