Waamaxay Duruufaha Ardayda Dugsiyada Berbera ka reebay kaalmaha hore ee Imtaxaanaadka Somaliland.? Waraysi Daa’uud Axmed Faarax


“Berbera oo ah Magaalada dhaqaalaheedu dalka ugu sarreeyo macalin in loo waayaa waxay noqonaysaa Ceeb..” Guddoomiyaha Xafiiska Imtaxaanaadka Somaliland 

Berbera-(Berberanews)- Guddoomiyaha Xafiiska Imtaxaanaadka Qaranka Somaliland Md. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa  jawaab ka bixiyay sababaha ardayda Dugsiyada magaalada Berbera u gaadhi la’yihiin kaalmaha hore ee natiijada imtixaanka Somaliland.

“Reer Berbera in badan bay I weydiiyeen sababta ay u gaadhi waayeen derejada “A” gobollo kale oo aan gaadhina way jiraan, laakiin aan kaftan ugu daree waxaan aaminsanahay oo aan idhaahdaa ‘Berbera waa magaalo dhaqaale oo dekedda dalka ugu weyni ku taalo’ markaa carruurta Berbera waxaan haysan wer wer shaqo oo iyagu dekedda uun bay dhinac ka galaan shaqada ayay aaminsanyihiin, halka ardayda gobollada kale ay ka wer weraan shaqo taasoo dedaalka ku yaraysay, laakiin waxay ku cawdaan ardayda Berbera dhinaca macalimiinta iyo maaddooyinka qaarkood oo ay sheegeen inaanay dhigan, taana waxaan ku gubaabinayaa Berbera oo ah magaalada dhaqaalaheedu dalka ugu sarreeyo macalin in loo waayaa waxay noqonaysaa ceeb.” Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku waxa uu sidaa ku sheegay qayb sadexaad oo waraysi Tifaftiraha Shabakadda Berberanews Maxamed-Xarrago kula yeeshay Magaalada Berbera todobaadkii hore Daa’uud Axmed Faarax, kaasoo aannu hore idiin soo gudbinay labadii qaybood ee hore.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtaxaannaadka Qaranku waxa uu sheegay in magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo uu ku badanyahay qishka imtaxaanku, haseyeeshee ardayda reer Berbera ay u dheertahay wer wer la’aan dhinaca dhaqaalaha ah, iyagoo marka ay doonaan ka xoogsada shaqadda Dekedda Berbera, “Berbera iyo Ceerigaabo waxa ku badan qishka imtixaanka, markaa Berbera waxaan ku xamanaa inay Dekedda isku halaynayaan, oo ardaygii biil la’aan baan wer wer ku hayn oo wuu iska xoogsanayaa, laakiin meelaha qaarkood waxa jirta in ardaygu aanu laambad haysan ee uu Faynuus wax ku akhristo oo habeen iyo maalinba wer werayo, anaguna waxaan isleenahay wer werkaa ku yar ardayda Berbera.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu waxaannu intaa raaciyay, “Waxaan u joogaa Berbera inaanu ka wada hadalno Guddiga Waalidiinta sidii loo sixi laha cabashooyinka dhinaca macalimiinta, waxaanan rajaynayaa in sanadka soo socda ay ardayda Berbera ka mid noqdaan kuwo ugu sarreeya.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku.

Dhammaad.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email,info@berberanews.com