Dadka dacaayadda ka fidinaya Badhasaabka Saaxil waa kuwo ka soo horjeeda horumarka Gobolka

Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera waa isha dhaqaalaha dalka somaliland, waxaana ku yaala goobo muhiim ah oo ay ka soo baxaan dhaqaalaha dalka uu ku hawlgalo, waxaa berbera lagu naanaysaa Hooyada Dalka, sababtuna waxay tahay waa marinka ay dalka wax u soo maraan maadaama oo aanay buurnayn wax soosaarka gudaha dalka ka soo baxa,isla markaana waxkasta oo ay bulshadu u baahato dibada la keeno, inta ugu badana waxaa laga soo dejiyaa Marsada caalamiga ah ee berbera.

Berberi waa magaalo xeebeed, taas oo ka nolol duwan magaalooyinka kale ee dalka waxaanay u baahantahay si loogu noolaado dhamaystirka baahiyaha aasaasiga kuwaas oo qaarkood looga baahi badanyahay gobolada kale ee dalka somaliland.

Magaalada berberi waxay soo martay marxalado kale duwan intii ka danbaysay 1991kii markii Somaliland dib ula soo noqotay xornimadeeda, marxaladahaasi oo ku kala duwanaa wakhtiyadooda, dhawr sano ka hor magaalada berbera waxay soo martay xili Bulshada ku dhaqan ugu suntan sanadahi ugu xumaa ee ay abid berberi soo marto, waxaa bulshadu waayeen baahiyahii ugu muhiimsanaa ee ay bulshadu u baahnayd, waxay yaqiinsadeen in ay magaaladii ay hantida ku lahaayeen qaado wadadii ay mareen magaalooyin iyada la mid ahi, halka dadka qaarkood ay kaba hayaameen una diga rogteen Gobolada kale ee dalka.

 Waxay bulshadu reer berbera xiligaas halku dhig u ahaa “Magaalo magaalooyin kale dhaqaalahii ka soo baxayey lagu dhisayo magaalo kale”, taas oo ay tusaale u soo qaadan jireen Caasimada hargaysa oo ay ku yaalaan wasaaradaha dalka oo iyagu ku shaqeeya dhaqaalaha berbera ka soo baxa intooda badan, iyaguna ay washmaan ka yihiin oo magaaladoodii lagu tilmaamo magaalo ka danbaysa magaalooyinka dalka, kana muuqato diif horumarin la’aaneed kana abaaday baahiyihii bulshada aasaaska u ahaa.

Dib u dhacaas intiisa badan waxaa sabab u ahaa Masuuliyiintii gobolka xiligaa maamulaysay oo iyagu aan awoodin in ay wax ka qabtaan dibu dhacaas, isla markaana awoodi waayay in ay si haboon u maamulaan waxa ay berberi ka hesho dhaqaalaha ka soo baxa laamaha muhiimka ah ee magaalada ku yaala.

Isbebelkii dalka ka dhacay waxaa Gobolka saaxil gudoomiye looga soo dhigay Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxaana dadka reer berbera maskaxdooda ku xardhan wali khudbadii u horaysay ee uu ka jeediyo Xilwareejintii Maareeyaha dekada, isaga oo halkaa ka soo jeediyey hadal ay u bogeen bulshada reer berbera, kaas oo ahaa in waxa Berberi ay xaq ugu ledahay dhaqaalaha ka soo baa, aanu isagu cidna u daba fadhiisan waxii dhaqaale ah ee gobolka wax loogu qabanayo, hadalkaas oo ah mid neef ka soo saartay bulshadii awal ka hayaantay magaalada, waxaanay noqotay mid ay maanta Bulshada reer berbera run u noqotay markay arkeen isbedelka dhakhsaha badan ee magaaladoodii ka hanaqaaday, loona bixiyey magaalo ka faa’iiday isbebalkii ka dhacay dalka.

Badhasaabka gobolka saaxil Md. Maxamuud Cali Saleebaan waxaa uu sabab u noqday dibu dhiska balaadhan ee berbera ka hanaqaaday, isaga oo ay markhaati ka yihiin qofkasta oo dhawr sano ka hor Berbera ku noolaa, waxaanay ku naanaysaan Badhasaabka Badhasaabada, waxaana uu ku mutaystay Shahaadooyin farabadan oo uu ka helay Madaxweynaha iyo Ururada kale oo iyagu ka shaqeeya horumarinta dalka.

hadaba waxaa maalmahii u danbeeyay  warbaahinta qaarkood lagu arkayey warar ku lidi ah Badhasaabka gobolka saaxil Ramaax, kuwaas oo qofkasta oo wararkaa akhriyaa garanayo in ay yihiin barabogaanda Gudoomiyaha loo sameeyay, kuwaas oo sheegaya in la xidhay isaga oo sita lacag xadigeedu badan yahay, iyo inuu iibsaday Guryo ku yaala magaalada berbera, wararkaasi may lahayn astaamaha wararka lagu xaqiiqsado waxaanay u qornaayeen mala awaal iyo ilo xogogal ah kuwaas oo dhamaantood xaqiiqada ka fog, dadka reer berberana ee iyagu markhaatiga ka ah waxqabadka balaadhan ee uu badhasaabku ka hirgaliyey Gobolka Saaxil gaar ahaan Berbera, isla markaana xog ogaalka u ah wararkaas ay warbaahinta qaarkood qorayeen,  waxa ay fajaciso iyo amakaag ku noqotay Bulshada ku dhaqan magaalada berbera, waxaanay garwaaqsadeen in ay arinkan ka danbeeyaan dad iyagu ka xun horumarka uu gobolka gaadhsiiyey, oo dhaleecayn kale u waayay Gudomiyaha ay reer berbera  ula baxeen Badhasaabka Badhasaabada, taas oo ku kasbaday ka dib markii uu gobolka ka qaaday heeryadii saarnayd dhawr sano ka hor.

Masuul kasta oo meel loo magacaabaa waxa uu bulshada uu xilka u hayo u galaa laba arin midkood, masuul ku caanbaxay horumarin iyo dadaal aanay ilaawin bulshadaasi, iyo masuul ku sifoobay Musuq maasuq iyo horumarin la’aan bulshadaasi aanay ilaawin, Ramaaxna waxa markhaati u ah Bulshada ku dhaqan Gobolka saaxil hadii uu yahay masuul xun iyo hadii uu yahay masuul fiican.

Waxyaabaha xajiinta looga dhigayo Badhasaabka Gobolka saaxil oo ay ka mid tahay dhul iyo guryo uu iibiyey, dhamaantood waa been abuur iyo xumaan aanu gayin masuul gobolkii loo xilsaaray la arkayo waxa uu ka qabtay, waayo qaar ka mida guryahaas oo uu ka mid yahay Guriga mujaahidiinta Jimciyada  Sooyaal waa la ogyahay in ay si xor ah ugu jireen, halka dhulka masaajidka laga dhisayana la wada ogaa in maamulka gobolku uu dhulkaas si wada jira u bixiye.

Waxaa looga baahanyahay Bulshada reer berbera in aanay ku tiigaalin borobogaanada lagu xajiimaynayo Badhasaabka Gobolka oo runtii qabtay waxqabad aan la ilaawi karin markhaatina aynu ka nahay, kuwa qorayaana waa dad aan raali ka ahayn horumarkaa balaadhan ee gobolku ku talaabsaday gaar ahaan berbera.

Maxamed Cali Xasan

Berbera, Somaliland

Email Saxiljournal@gamil.com