Saraakiil ka tirsanaa Maamulka Puntland oo Qarax ku dhintay iyo Tirada Askar ku dhaawacantay

Boosaaso-(Berberanews)- Ugu yaraan laba Sarkaal oo ka tirsanaa maamul-goboleedka Puntland, ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halka ay ku dhaawacmeen toddoba Askari oo ilaalo u ahaa Saraakiisha dhintay.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Laba-waleey oo u dhexeysa deegaannada Yalho iyo Karin ee gobolka Bari, waxaana labada sarkaal midkood lagu magacaabi jiray Jaamac Nuur Shire (Gaas) oo hore u ahaa Taliyaha Ciidammada Birmadka Puntland.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid xooggan, iyadoo aanay jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxaas, iyadoo aysan ahay markii ugu horreysay oo qaraxyo ay waxyeello kasoo garto saraakiisha iyo ciidamada Puntland ay ka dhacaan gobolka Bari.

Saraakiisha dhintay ayaa waxay la socdeen gaari TOYOTA ah oo ay lahayd shirkadda African Oil oo howlo shidaal-baaris ah kawadda deegaannada Puntland, mana jiro wax hadal ah oo weli kasoo baxay maamulka Puntland. Askarta ku dhaawacmay qaraxa ayaa la sheegay in la geeyay Cusbitaalka Boosaaso, halkaasoo lagu daweynayo, waxaana qaraxani uu imaanayaa iyadoo shalay lagu soo gabgabeeyay Puntland shirkii wada-tashiga dhinacyada Soomaalida.

Inkastoo aanay jirin koox sheegatay inay ka dambeyso weerarkaas ayaa haddana waxa si aad ah uga hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Malleeshiyada Al-shabaab oo hore loogu eedeeyay inay xidhiidh la leedahay xoogagga Wadaad-Diimeedka Sheekh Maxamed Siciid Attam oo sannadkii hore dagaal la galay Puntland.