Dad Gaddoodsan oo weeraray saldhigga bileyska Boorame, Mudaharaadyo ka dhacay iyo Xubno cusub oo loo xidhay dhacadadii Seemaal

Boorama,08,Dec,2011-(Berberanews)- Dadweyne gaddoodsan oo dhallinyaro u badan, ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhiga Dhexe ee magaalada Boorame, kuwaasoo ka cadhaysan xadhigga axamed Jaamac Abgaal oo ciidammada boolisku xidheen, ka dib markii uu saxaafadda ka aflagaadeeyay masuulliyiin ka tirsan xukuumadda iyo beelaha Gobolka Gabiley dhacdadii Seemaal.

Tallaabadan, ayaa sababtay in xalay kooxo dhallinyaro ahi weerareen saldhiga dhexe ee Booliska, haseyeeshee ciidanka booliska ayaa ka hortegay arbushaada iyo qalaanqalka kooxaha dhallinyada ah, iyadoo aan la sheegin wax rabshad ah oo arrintan ka dhashay.

Kooxaha dhallinyarada ay, ayaa subaxnimadii saaka dib isu soo abaabulay islamarkaana mudaharaad ka sammeeyay gudaha magaalada Berbera, iyagoo dalbanaya in la sii daayo ninka boolisku xidheen, sida uu shebekadda Berberanews u xaqiijiyey Weriye Cabdifataax Aam oo ku sugan Boorame waxa uu sheegay in xaaladda magaaladu degantahay, mudaharaadkuna dhammaaday maanta delinkii danbe, “Mudaharaadku Saaka illaa xalay wuu socday , illaa kowdii ayuu istaagay, waxaannu ka dhashay nin siyaasi ah oo maalin dhawayd ka hadlay dhacdadii Seemaal oo si qaawan u weeraray xukuumadda iyo dadka ka soo jeeda Gobolka Gabiley iyo sidoo kale oo uu la xidhiidhidhay dhacdadiii 5 Dec, 2011 lagu dilay sadexda qof dadka deegaanka Saameel ee Boorama

Dhinaca kale Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay maanta  Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday oo ka mid ah Salaadiinta Gabiley, isagoo ku sugnaa magaalada Hargeysa. Sidoo kale xukuumadda ayaa shalay xabsiga u taxaabaty Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo ahaa la Taliyaha arrimaha Siyaasada ee Madaxweynaha, isla markaana kasoo jeeda deegaanka gebilay,  iyadoo horena loo xidhay lix Oday oo ka mid ah Odayaasha deegaanka Gebilay, kuwaas oo uu ka mid yahay  Sheekh Maxamuud Raagge, isla markaana dhamaantood ahaa kuwii saxeexay heshiiska dhawr bilood ka hor xukuumadda Somaliland ka hirgelisay muranka iyo khilaafka deegaanka Ceelberdaale oo mudo dheer soo jiitamayay.

Berberanews.com