Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo magacaabau Guddiyo ka shaqadoodu tahay dardargelinta hawlaha ururka

Hargeysa, (Berberanews)-Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xassan Maxamed Yuusuf ayaa shalay magacaabay  guddiyo kala duwan oo ka shaqaynaya socodsiinta hawlaha ururka.

Guddiyadan oo xubnaha loo magacaabay ka tirsanyihiin guddida fullinta SOLJA ayaa waxa ay u qaybsan-yihiin saddex waaxood oo kala ah guddida tayaynta, guddiga ilaalinta xuquuqda saxafiga iyo saxaafada iyo guddiga maamulka iyo diiwaangelinta suxufiyiinta dalka Somaliland.

Magacaabistan oo guddoomiyaha SOLJA ka jeediyay fadhi caadi ah oo bil kasta ay isugu yimaadaan guddiga fullinta ururkaasi, kaasoo shalay ka dhacay xarunta Guud ee ururka Suxufiyiinta SOLJA.

 Qoraalka guddoomiyuhu ku magacaabay guddiyadan oo dhameystirani waxaa ay u qorayd sidan; “Sidda uu dhigayo xeerka ururka Suxufiyiinta ee Solja, qodobkiisa 6-aad, farqadiisa 1-aad, kaas oo qeexaya hawlaha ay qaban karaan xubnaha guddiga fullintu, waxaa ii muuqatay baahida loo qabo sameynta guddiyo ka tirsan xubnaha guddiga fullinta ee ururka oo ka hawl-gela arrimaha muhiimka ah ee ururku uu ka shaqeeyo, sidaas awgeed, waxaan magacaabay saddexda guddi eek ala ah:

1.Guddida tayaynta.

Mustafe Sh. Cumar Geeddi

Maxamed Siciid Cabdillaahi

Cali Jaamac Maxamed

2- Guddida ilaalinta xuquuqda

Barkhad Maxamed Kaariye

Maxamed Cabdi Curad

Maxamed Axmed Jaamac

Nimco Samriye

3- Guddida maamulka iyo diiwaangelinta suxufiyiinta

Sahra Cabdiwahaab Sh. Axmed

Keyse Axmed Digaale- Togdheer

Cabdisalaan Xariir – Saaxil

Axmed Faarax Ilyaas – Sool

Cali Ismaaciil Aare – Awdal

Fg; Waxay guddida fullinta ee ururka Suxufiyiinta ee Solja isla garteen in uu Gobolka Sanaag Wakiil uga noqdo Cabdilaahi Xusseen Darwiish oo ka tirsan ururka, balse aan ka mid ahayn guddida fullintu.