Shirkada Isgaadhsiinta ee Somtel oo Qalab Ciyaareed Gudoonsiiyey Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Saaxil.

Berbera, Nov, 27, 2011-(Berberanews)-Shirkada Isgaadhssinta ee Somtel, ayaa manta qalab ciyaareed gudoonsiiyey Xulka kubada cagta ee Gobolka Saaxil, uga qayb galaya Koobka Gobolada ee 1/12/2011 ka billabmi doona Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco.

 

Xaflad lagula kala wareegayey Qalabkan oo ka dhacday Xarunta Gobolka ee Berbera, ayaa waxaa ka soo qayb galay, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil, Khadar Cali Cilmi,Gudoomie ku xigeenka Golaha deegaanka Berbera,Cabdi Jaamac Faduul, Isu duwaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Shaafici Jaamac Aadan, Maamulaha Shirkadaha Dahabshiil iyo Somtel Berbera Kayd C/laahi Xandule.

 

Waxaana dhamaan masuuliyintii halkaa ka hadlay ayaa kula dar daarmay in ay ilaaliyaan anshaxa iyo akhlaaqda si ay u ilaaliyaan sharafta ay huwanyihiin ee gobolnimo, isla markaana ay sanadkan guul u soo hooyaan Gobolka maamul ahaana ay taageeri doonaan, oo ay ciyaaraha ay leehiyiin u soo daawasho tagi doonaan.

 

Waxaana halkaa ugu horayn ka hadlay Maamulaha sare ee Shirkadaha Somtel iyo Dahabshiil, Kayd C/laahi Xandule, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “ waxaa Maanta halkan aynu isugu nimi in aanu qalab gudoonsiino xulka Gobolka Saaxil ee ka qayb galaya, koobka gobolada ee 1/12/2011 ka billaabmaya Burco, taas oo diyaar garowgeedii ka socdo gobolada kale, anakuna taas ayaan kaga qayb qaadanaynaa shirkad ahaan qalabkan, waana laydin garab istaagayaa idinkuna dadaala”.

 

Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil waxaana ka mid ahaa hadalkiisii “ marka hore waxaan aad ugu mahad naqayaa Shirkada Somtel, qalabkan ay ugu deeqday Xulka Gobolka Saaxil, waxaan idinkula dardaarmayaa, in aydaan cibaadada Alle kaga mashquulin ciyaartiina, waxaa kaloo aan idin leeyahay waa in muujisaan Akhlaaq iyo ciyaar wanaag, waayo waxaad huwantihiin magacii gobolka waxaana sanadkan laydinka fadhiyaa guul”.

 

Gudoomiye ku xigeenka Golaha deegaanka Degmada Berbera oo isna xafladan ka hadlay waxaa uu yidhi “ Shirkada Somtel way ku mahadsantahay qalabkan ay idinku deeqday, waxaan leeyahay kooxda waa in aad soo bandhigtaan ciyaar quruxbadan, waxaana laydinka fadhiyaa in aad soo hoysaan Guul, waayo idinku gobolada kale waxaad dheer tihiin dhaqaalaha laydin siiyo, waayo waxaad heshaan tasiilaad badan, oo aanay helin Gobolada kale, waa in aad tacabkaa soo celisaan”

 

Isu duwaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Saaxil, Shaafici Jaamac Aadan oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay sanadkan wataan dhalinyaro aan balwad lahayn, oo fir fircoon isla markaana ay ku rajo wayn yihiin in ay guul soo hooyaan, in kastoo ay kubadu tahay bar cad iyo bar madow, isla markaana ay qaateen go’aankii wasiirkii ee ahaa in ay soo xeroodaan dhamaan kooxuhu, 29/11/2011, oo ah maalin ka hor bilowga ciyaaraha gobolada.

 

Guntii iyo gabagabadii dhamaan masuuliyiintii xafladan ka hadlay, waxay kula dar daarmeen Kooxda metalaysa Gobolka Saaxil koobka gobolada in ay muujiyaan ciyaar wanaag iyo akhlaaq.

 

Khadar Jamac Xaashi

 

Berberanews,Berbera