Hargeysa: Qiimaha doonista hablaha oo la sargooyay iyo cidii ku xad-gudubta oo Masaajidada laga Habaari doono

Jimce, November 18, 2011 (Berberanews) —Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland, ayaa soo bandhigay qorshe markii ugu horraysay lagu xakamaynayo kharashaadka faraha badan ee ku baxa guurka dhallinyarada ku ku nool magaalada Hargeysa, ka dib markii daraasad ku sammeeyay  kharashka faraha badan ee ku baxa guurka oo dhallinyaro badani ku dhici weyday.

Guddida wanaag farista iyo Xumaan reebista ayaa soo saaray lix qodob oo lagu sargoyeeyay kharashka ku baxaya  guurka magaalada Hargeysa, kaasoo qodob ka mid ahi dhigayo in innanta laga bixin doono $150 oo doonis ah, islamarkaana cidii ku xadgudubta qodobadani ay ganaax mutaysan doonaan, islamarkana cidda diida masaajidada laga habaari doono.

Guddoomiyaha guddidan Xaaji  Ibraahim Cabdilaahi X. Dool oo, ayaa ka warbixiyey marxaladaha iyo kharashka faraha badan ee ku baxa guurka maanta” Inanta ayaa waxa lagu doonayaa Hotel oo dadkii labada dhinaca ka socday isku arkaya. Inanta ayaa hadana dhiganaysa xaflad ay hablihii saaxiibada ahaayeen ku soo casuumayso oo hotel iyana ka dhacaysa, waxa ay soo kiraysanaysaa koox music u tunta iyo baabuur dadka guryahooda lagu geeyo.

Hadana waxa is baranaya labada reer ee isguursaday dumarkooda taas oo inanka reerkoodu ay inantii soo booqanayaan iyada oo ay alaab badan oo qaaliya u keenayaan baabuur badana ay soo kaxaysanayaan” ayuu yidhi, mar kale isagoo marxaladaha arooska ka hadlayana waxa uu yidhi. “Habeenka Arooska waxa ku baxaya Inantii aroosada ahayd ayaa kofeer la gaynayaa, waxa la socda 10 hablood oo isku diraysana oo kharashku inantu qabto, waxa lagu galbinayaa baabuur badan oo waxa la gaynayaa hoteelka, waxa la keenayaa fanaaniin musik tumaya oo aanay shareecadu ogolayn, waxa ku xiga ducadii Wiilka qarabaadiisa iyo asxaabtiisa oo la samaynayo maalinta labaad ee arooska”.ayuu yidhi

“Waxa ku xiga maalintii sodohda oo iyana keenaysa fujaanadii, soona raacinaysa fadhigii iyo alaab waaweyn, tusaale ahaan fadhiyo, qasaalad, Tv-yo, gogol iyo alaabooyin qaaliya, sodohdu waxa loo kiraynaya hotel ka duwan kii ay ku aroosatay, waxay soo kiraysanaysaa baabuur iyo Basas alaabta iyo dadka lagu guro Waxa kale oo la soo kiraysanayaa habro u baraanbura oo wata koox u jiibiya toddobaad ka horna la sii balansado, waxa ku xiga in inanka iyo asxaabtiisu ay furanayan fujaankii raga. waxa hadana ku xiga fujaankii hablaha oo loo yaqaan (fujaanka sabiibta, iyadoo Hotel kale loo kiraynayo oo sidii arooska oo kale, Kofoorkana lagu celiyo iyada iyo hablihii mixiisiinta u ahaa”.

Dhamaan qodobadaasi kor ku xusan ayaa mid waliba waxa uu wataa kharash aan la xisaabin karin, taas oo badi dadka dhalinyarada ahi aanay awoodi karin.

Guddoomiyaha guddidan ayaa soo jeediyey Qoddobo lagu xakamaynayo kuwaasoo kala ah:

1. In guurkii maalinta gabaatiga ee lays waydiisanayo in la bixiyo $150 dollar,2. in inanta lagu galbiyo laba baabuur haddii ay sadex baabuur noqdaan waxa la ganaaxayaa 5000,000 malyan oo Somaliland ah shilling ah.

3. Arooska haddii 8:00 PM habeenimo lagu gaadho waxa la ganaaxayaa 5000,000 oo Somaliland shilling ah.

4. Fijaanadda waxa keenayaa hal joog oo subaga iyo hal joog oo muqumada oo inanka iyo gabadhu ku naaxaan.

5. Inanka iyo inanta waxa looga ducaynayaa masaajidada,

6. Islaanta sodohda ah ee inanta dhashay haddii ay khilaafto arrimahas masaajidada ayaa laga habaaray inay lug iyo gacan ka jabot” ayuu yidhi Dool waxa uu soo jeediyey ” Rasuulkeenuna (SCW) waxa uu xadiis inoogu sheegay haddii uu idiin yimaado qof diintiisa iyo aqlaaqdiisa fiicantahay waa in aad u guurisaan, suuratul Nuurna ilaahay inoogu sheegay inaad u guurisaan dadka aan awoodi karayn guurka ee saalixaadka ah” ayuu yidhi.

Guddoomiye Dool waxa uu sheegay in qodobadani ka dhaqan galeen gobolada galbeedka Somaliland, isla markaana hadda ka hirgali doonaan magaalada Hargeysa, isla markaana masaajidada maanta oo jimce ah laga akhriyo doono.

Soursec Hiiraan