Dawladda Ingiriiska oo magaalada Berbera ka hirgelinaysa dhisme cusub oo Ciidanka Badda Somaliland yeelan doono

Berbera (Berberanews)- Saraakiil ka socda Hay’adda MAG , ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xarun dawladdu Ingiriisku u dhisayso ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo laga yagleelay xeebta Berbera.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha ee Somaliland ayaa ka waramay dhismahan kaydka hubka iyo ahmiyada uu u leeyahay ciidamadan ahaan, isla markaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo dhismahan hay’ada MAG ugu deeqday ciidamada baddaha Somaliland, waxaana yidhi “Dhismahan loo dhisayo ciidan badda iyo ilaalinta xeebaha ee gobolka, ayna fulinayso hayada MAG aad ayaan u soo dhaweynaynaa dhismahan hayada MAG noogu deeqday, waanay mahad san tahay hayada MAG.”

Madaxa hay’ada MAG oo kulankii dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay mashruucan loogu dhisayo ciidan ka badda xarunta ciidamada, waxaanu xusay in hay’adoodu hore uga soo fulisay magaalooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Mandheera keydad noocan oo kale ah oo loogu talagalay in ay ciidamadu ku keyd sadaan hubka, waxaanu sheegay in hay’adoodu sii wadi doonto taakulaynta ciidanka ay u fidiyaan.

Munaasibadda dhagax-dhiga xaruntan waxa kale oo ka hadlay saraakiil ka tirsan ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo muujiyay muhiimadda xarunrtani u leedahay.

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com