Xujaaj Reer Somaliland ah oo gaadiid la’aan ugu xanniban Dalka Sucuudiga iyo werwer ay xaaladooda ka muujiyeen

Maka-(Berberanews)- Qaar ka mid ah xujaajtii reer Somaliland sanadkan soo gutay waajibaadka Xajka, ayaa dalka Sucuudiga ugu xanniban diyaarad la’aan, ka dib markii sida ay noo xaqiijiyeen xujaajtu la waayay diyaaradaha shirkadaha JUBA iyo DAALLO oo markii hore qaaday.

Xujaajtan oo soo dhammaystay gudashadii Xajka, ayaa xaalladooda ka dayriyay, sida uu khadka telefoonka ugu xaqiijiyay Xaaji Cabdi  Jaamac Aadan, oo ka mid ah xujayda ku sugan dalka Sucuudigu la waayay diyaaradihii JUBA iyo DAALO ee siday, islamarkaana ay labada shirkadood diyaarad qudha u addeegsanayaan qaadista xujaajta, isagoo ka dayriyay xaaladda ay ku suganyihiin.

“Waxaannu u xannibanahay diyaarad la’aan ka timi shirkadaha Juba iyo Daalo, kuwaasoo immika wada addeegsanaya hal diyaarad oo qudha, runtiina dhibaato weynbaa haysata xujaajta oo meel cidlo ah baanu ku suganahay kharashkii aanu sidaynay wuu naga go’ay.” Sidaa waa yidhi Xaaji Cabdi Jaamac Aadan oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Berberanews.

Xaaji Cabdi waxa uu ka dayriyay sida ay shirkadaha diyaaraduhu u dabooli doonaan daabulka xujaajtan, waxaanna ka mid ahaa hadalkiisa,. “Ma filayo bisha soo socotana inay dhammayn doonaan sidii ay dadka u soo qaadi lahaayeen, waayo liis ay I tuseen waxaan ku qoranay 27/11/2011.”

Xaaji Cabdi waxa uu sheegay in dib-u-dhacaas ay masuul ka yihiin labada shirkadood oo aan dayaarado u hayn xujaajta ay lacagta ka gurteen, waxii dhibaato iyo khasaare ahna ay  masuul ka yihiin.

Isku day aanu la sammaynay masuulliyiinta shirkadaha Daalo iyo Juba ayaanay noo suurtagelin, ka dib markii ay  telefoonada naga qaban waayeen.

Maxamed Xuseen Ciise /Qamariye

Berberanews.com