Xisbiga UCID oo Xukuumadda ku eedeeyey ka aammusnaanta Odayaasha Beesha Arab ee Killalka Shanaad Xabsi-daa’inka ku xukumay

 Haddii ay dhici waydo in laga wada muuqdo Maamulka killalka 5-aad, waxa imanaysa in ay jabhado dillaacaan ka xun ONLF oo khatar ku ah Itoobiya…” Afhayeenka Xisbiga UCID

Hargeysa-(Berberanews)-  Afhayeenka ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Maxamed Xasan Khayre (Shabaash), ayaa War-Saxaafadeed uu maanta soo saaray ku cambaareeyey Xukun ay dhawaan dawladda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Killalka 5-aad ku fulisay ku dhawaad lixdan qof oo ka soo jeeda Beesha Arab ee deegaanka ku ah labada dal ee Somaliland iyo Killalka 5-aad ee Itoobiya.

Afhayeenka UCID waxa uu dawladda dhexe ee federaalka Itoobiya ugu baaqay inay arrintaa soo farageliso, isla markaana si dhakhso ah xorriyaddooda loogu soo celiyo dadka xukunka sharci-darrada ah lagu riday. Waxa kale oo uu soo jeediyey in beelaha Soomaaliyeed ee wada dega Killalka 5-aad ee Itoobiya ka wada muuqdaan dawladda ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isaga oo xusay hadday taasi dhici waydo inay dillaaci doonaan Jabhado hubaysan oo ka daran Jabhadda ONLF oo muddo dheer dagaal kula jirtay Itoobiya, balse dhawaan garab ka mid ahi nabad la saxeexday dawladda federaalka Itoobiya.

War-Saxaafadeedkaas uu maanta soo saaray Afhayeenka Xisbiga UCID, waxa uu ku cambaareeyey aammusnaanta dawladda Somaliland ee arrinta dadkaas la xukumay iyo dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay killalka shanaad, waxaanu qoraalka war-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:- “Sidaynu wada og nahay waxa jira kililka 5aad ee Itoobiya soonka ugu faraha badanleh waxa dagan dad dhalasho ahaan ka soo jeeda reer Somaliland oo xolo dhaqato iyo beralayba leh mana aha soon Ogadeen leeyahay kilalka 5aad ee Itoobiya.

Waxa jira dagaal ka dhacay oo laba belood ah  dhimasho iyo dhaawacba lahaa waxa la soo dagaal galay ONLF iyo new biliiska oo xidhan dirayskii dawladda way iska caabiday beesha Arab waxa kaloo u raca 60 qof oo la qabtay oo dawladda kilalka 5aad ee Ogadeen ay ku xukuntay xabsi daayin iyo 25 sannadood qof dumar ah iyo ilmo yar oo ay sidatay oo kaliya ayaa lagu xukumay 5 sannadood.

Xukumadda Somaliland kamay hadal arrinka illaa hadda waliba Madaxweynaha oo  Adis Ababa joogay waxba kalamu hadal dawladda Itoobiya, sidaa awgeed waxay gabeen xilki ummadda ka saarnaa.Waxaannu dawladda Itoobiya u sheegaynaa dadka xaq-darrada lagu xukumay in faraha laga qaado oo Xukumadda dhexe ee faderalka ahi ay soo dhex gasho xorriyadoodana loo so celiyo Liyuu Booliska iyo Madaxweynahan isku reerka ahi in ay fiiro gaara sarto oo Xukumadda iyo new boolisku ay dadka deeganka ka koobnadaan.

Haddii ay taasi dhici waydo waxa imanaysa in ay jabhado dillaacaan ka xun ONLF oo khatar ku ah Itoobiya waana siday doonayaan Xukumadda kilalka 5aad ee ka soo jeedda Ogadeen iyo ONLF oo isku mid ah.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.