Golaha ku-meel gaadhka Libya oo ogolaaday in Maydka Qadaafi ay qaraabadiisa ku wareejiyaan

Tripoli, (Berberanews.com/Reuters):- Golaha ku-meel gaadhka ee xukuma dalka Libya ayaa shaaca ka qaaday in maydka hogaamiyihii hore ee dalkaas, mucaamar Al Qadaafi iyo wiilka uu dhalay ee Muctasim ay gacanta kaga ridi doonaan, eheladoodi si ay iyagu gacmahooda ugu aastaan.
 
Sida wakaalada wararka ee Reuters ku warantay talaabadan ayaa ka danbaysay ka dib markii muran iyo xaalado naxdin leh, muuqaalo muujinaya oo fidiyow ah laga duubay laguna baahiyay shabakada internetka qaabkii loo qabtay Qadaafi oo nool ka dibna dilka badheedhka ah loogu gaystay. Taas oo golaha ku-meel gaadhka ka baajisay in si qarsoodi ah ay iyagu u aasaan maydka Qadaafi iyo inankiisa Muctasim oo isku maalin la wada qabtay ka dibna la wada dilay.

Qof u hadlay hogaamiyayaasha golaha ku-meel gaadhka ee dalka Libya ayaa Reuters u sheegay in iyagoo ka eegaya dhinaca diinta iyo xuquuqda aadamaha ay go’aansadeen in maydkooda gacanta laga saaro eheladoodi si meeshii ay doonaan ay ugu aastaan. Hadalkan ayaa soo baxaya xili kumayaal dadka reer Libya ahii u daawasho tagayaan goobta labadaa qof maydkoodu yaalo ee magaalada Misrata oo sida warbaahintu sheegtay la dhigay bakhaar qaboojiye leh oo ku yaala goob lagu magacaabo suuqa qadiimka ah ee magaaladaas.
 
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa dad badani ku qul qulayeen goobtaas waxaana la arkayay dad kala duwan oo u badan caruur iyo dumar oo booqanaya si ay indhahooda uga qaadaan maydka labadan nin ee is dhalay oo aduunka iyo dalkaas muddo dheer ka wareeriyay.
 
Dad badan ayaa canbaareeyay sidii dilkaasi u dhacay iyo qaabkii loola macaamilay Qadaafi iyo inankiisa oo labadaba nolol lagu qabtay, waxa kale oo jira, canbaarayno golaha ku-meel gaadhka ah uga imanaya dhinaca culimada diinta oo sheegaya in ay dhaafiyeen, wakhtiga shareecada diinta Islaamku ogoshahay in qofka lagu aaso.
 
Dhinaca kale mid ka mid ah dhakhaatiirtii baadhitaanka ku sameeyay maydka Qadaafi iyo inankiisa Muctasim ayaa sheegay In labadooda mayd ay ka muuqato rasaas si badheedh ah loogu toogtay jidhkooda oo meelo badan kaga taala, taas oo muujinaysa in si badheedh ah loo dilay labadaas nin.
 
Golaha ku-meel gaadhka ee Libya ayaa mar hore oo maanta ah sheegay in Libya xor tahay, nidaamkii Qadaafi ee dalkaas 42-sanadood xukumayayna uu dhamaaday oo ay bilaabantay Libyada cusub waxa ay ugu yeedheen.
 
Xaaska Qadaafi Safiya Maraakish ayaa hore u codsatay, in ururada xuquuqda aadamaha iyo qaramada midoobay baadhitaan ku samayso qaabkii dilka odaygeedu u dhacay oo ay ku tilmaantay mid ka soo hor jeeda xuquuqda aadamaha.
 
Faysal Maxamed Xasan
Reporter Berberanews.com
Email: daralla066@gmail.com