Sarkaal ka tirsan Safaaradda Maraykanka ee Kenya oo shaaca ka qaaday inay Casriyayn ku samyn doonaan Dekedda Berbera

Kenya-(Berberanews)- Sarkaal ka tirsan safaarada Maraykanku ku leeyahay Kenya ee qaabilsan arrimaha Somaliland/Somalia  ayaa daboolka ka qaaday inuu dalkiisu ka qayb qaadanayohabaynta iyo casriyaynta Dekeda Berbera si deeqaha gargaarka degdega ah oo loo wado Somaliya ay u maraan.

Sarkaalkani waxa uu sidaa ka sheegay kulamo kala duwan oo weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed ee gargaarka gaadhsiiyay Soomaalida abaaruhu tabaaleeyeen ee ku jira  xeryaha qaxoontiga ee dalka Kenya,  la yeeshay shalay qaar ka mid ah safiirada reer galbeedka u jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka Diinta iyo aw-qaafka oo kulanka dhexmaray saraakiishan ka hadlay, ayaa ku wargeliyay masuuliyiinta uu la kulmay in dawlada Somaliland ay u fasaxday dekeda Berbera in laga soo dejiyo gurmadka degdega ah ee la gaadhsiinayo umada ku tabaalaysan Soomaaliya. Haseyeeshee sarkaal u hadlay safaaradda Maraykanka Kenya ee qaabilsan Somaliland/Somalia oo ka jawaabay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka, ayaa xusay inay  ka qaybqaadanayaan casriyaynta dekedda Berbera sidii deeqa Somalia loo marin lahaa, islamarkaana kala shaqayn doonaan Hay’adda WFP.

Dhinaca kale Qunsulka guud ee safaarada dalka Kanada ku leedahay Kenya ayaa xusay in ay tahay wax aad loogu farxo in Somaliland la safato dalalka horumaray iyo dalal dhaqaale ahaan ka waaweyn,  iyadoo xaaladeeda la wada ogsoon yahay,  balse ay tahay calaamad muujinaysa dawlada wanaag iyo wax wada qabsi.

Tan iyo intii mamulka cusub la wareegay gacan-ku-haynta Marsada Berbera waxay isbedel weyn oo isugu jira casriyayn, ballaadhin iyo hirgelinta addeegyo cusub ku soo kordhiyeen dekedda.

Berberanews Media Group

Email, info@berberanews