Mashruuca kala xadaynta Beeraha Somaliland oo muddo 14 sano ah socday, ayaa fashilmay

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), ayaa sheegay in Mashuuraca kala xadaynta Beeraha ee uu Idiris Cabaas (Ex John Draystal) ee uu ku eedeeyay uu kala wareegay u ahaa Mashruuc la joojiyay ka hor in aanu xilka la wareegin.
Wasiirku waxaa uu sheegay in mashruucaasi kala xadyntaa beeraha la majaro habaabiyay , , isagoo xusay in mashruucani uu Mr John Draystal doonayo in uu isagu kelidii gacanta ku hayo isla marakaana hay’adihii maal gelinayay ay joojiyeen.
Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole) waxa uu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa., waxaanu tilmaamay in Mashruucaas Beeraha la majaro habaabiyay, isla markaana looga faa’iidaynin sidoo loogu talo galay.
Ugu horayn isaga oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Mashuurcan kala xadaynta beeruhu wuxuu bilaabmay sanadkii 1997-kii wuxuuna socday muddo lagu qiyaasay afar iyo toban sano, mashruucaa waxaa maalgelinayay Hay’ada DENIDA inkasta oo markii hore bilawgiisii labada Hay’adood ee UNOPS iyo DRC ay mal gelinayeen hadana mashruucaa intiisa badan waxaa maalgelinaysay hay’ada DANIDA. mashruucaan ma waxaa iska leh cidii maal gellinaysay, mise cidii fulinaysay, mise waxaa leh dawlada Somaliland, mashruuc kasta oo ay dawladi dawlad ugu deeqdo waxaa iska leh dawlada loogu deeqay wasaarada ay doonto ha ahaatee, markaa mashruucaa waxaa iska leh oo la siiyay dawlada Somaliland. Ayaa mashruuca ilaashanaya, waxaa ilaashanaya laba qof oo kala ah cidii fanka bixinaysay iyo cidii ay siisay in ay gaadhay iyo in kale way ilaashaynaysaa, waxaa kale oo ilaashanaysa dawladii lahayd weliba wasaaradii ay khusaysay oo ah wasaarada Beeraha”.
Wasiirka beeraha Somaliland waxaa kale oo uu sheegay in u jeedooyinkii mashruucan ay ka mid ahayd in shaqaalaha wasaarada beeraha loo tababaro xirfada kala xadaynta beeraha, dadka beeralayda ahna la siiyo shahaadooyin la yidhaahdo shahaadooyinka beeraha “Ujeedadii mashruucan loo sameeyay waxay ahayd in wasaarada Beeraha Somaliland loo tababaro shaqaale xirfad u leh in ay yeeshaan awood ay ku kala xadeeyaan beeraha oo ah dhibaatada ugu badan ee wadanka ka taagan ee ah kala xadaynta madaha beeraha, isla markaana in uu mashruucaasi gaadho dadka beeralaayda ah ee look ala xadaynayo beeraha in la siiyo shahaadooyin la yidhaahdo shahaadooyinkii beeraha”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Mashruucaasi muxuu qabtay John Drays sida uu ii sheegay markii aan anigu xafiiska imid war qadii ugu horaysay isaga ayaan ka helay, wuxuu igu yidhi waxaan kala xadaynay beero lagu qiyaaso afar iyo toban kun oo beerood (14000) beerood , mashruuca waxaa la soo shaqaynayay wasiiro lagu qiyaaso ilaa todoba wasiir oo u kala danbeeyay xilka, waxaa ugu horeeyay wasiir Yaxye waxaana ugu danbeeyay aniga oo hada xafiiska fadhiya”.
Wasiirki waxa u intaa raaciyay “Hadaba mashruucani ma fuliyay u jeedadii laga lahaa oo dadkii beeralayda ahaa ma gaadhsiiyay shahaadooyinkii, ma tababaray shaqaalihii wasaarada Beeraha, oo awood ma u yeesheen in ay iyagu maanta beeraha kala xadeeyaan, waayo urur maxali ah oo gaar loo leeyahay haddii la siiyo shaqo oo berina shaqadii ka dhamaatay oo xirfadii ay noqon waydo mid wasaarada soo gaadha oo wasaarada shaqaaleheedii xirfadii yeeshaan mashruucaasi wuu hirgalay mar se haddi aanu sidaa u dhicin wuu guuldaraystay.Maxaa uu mashruucu u guuldaraystay, waxaan idiin sheegayaa in mashruucaa la isku afgaran waayay oo la joojiyay, waxaana mashruucaasi la joojiyay saddex iyo tobankii bishii January ee sanadkii 2010-kii, waxaana la ogyahay wakhtigii aanu anagu xilka la wareegnay oo ahayd 27-kii bishii 7-aad 2010, waxaana loo joojiyay mashruucan u jeedooyinkii uu lahaa in shahaadooyinka la gaadhsiiyo dadka beeralayda ah , waxaan idiin sheegayaa in afar iyo tobankaa sanoee uu mashruucu socday in aan wax shahaadooyin ah la gaadhsiinin dadka beeralayda ah, waxaa kale oo aan diin sheegayaa xogtii mashruucu lahaa ee ahayd in wasaarada Beeraha lagu soo ururiyo in ay ku filiq san tahay dadkii mashruucan ka shaqaynayay, anigu markaan xafiiska soo fadhiistay waxaan agaasimihii guud oo ahaa Cali Cabdi odowaa ka codsaday dhamaanba waxa mashaariic wasarada ka socda in uu ii soo gudbiyo, wuxuu iigu daray Cali Odowaa war bxintiisii in mashruucaa kala xadayntaa beeraha la joojiyay, waxaanan ka codasaday in uu u yeedho UNDP oo mashruuca masuul ka ahayd, halkan ayaanu ku kulanay UNDP waxayna ii sheegtay in uu mashruucu u istaagay John drays oo ka xoogwaynaaday hay’adihii maalgelinayay UNDP DENID iyo wasaaradii beerahaba, oo marka la damco in mashruuca laga hadlo ama wax laga waydiiyo John in uu u tago madaxwayneyaasha Cigaal ayuu u tegay oo uu warqad ka soo qaatay oo la yidhi lalama hadli karo, Rayaale ayuu u tegay oo isna lalama hadli karo ayuu yidhi, mashruuciina wuxuu noqday mashruuc khatar galay oo u jeedooyinkiisii laga weeciyay kana faa’iidaysteen dadkii gacanta ku hayay oo aan looga faa’iidayn dalka.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com