Madaxweynayaasha Labada Suudaan oo sheegay in xiligii Dagaalka laga gudbay, wax kastana wada hadal lagu dhamayn doono

Khartuum, (Berberanews.com/W/Wararka)- Madaxweynayaasha dalalka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, Cumar Xasan AlBashiir iyo Silva Kear oo kulankoodi ugu horeeyay tan iyo intii Suudaan kala go’day ku yeeshay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in wakhtigii dagaalku dhamaaday, labada dhinacna isla garteen in wax walba wada hadal lagu dhameeyo.
Labada hogaamiye oo kulamo iyo shirar joogto ah, yeelanayay tan iyo sabtidii ayaa mar warbaahinta ay la hadleen, sheegay in labada dhinac ka daaleen dagaal, halista iyo burburka ay ku galeena si cad u dareemayaan, sidaa daraadeed ay isla qaateen in wax walba wada hadal lagu dhameeyo, cid kasta oo la doonaysa in labadaa dal dagaal mar kale galaana ay u arki doonaan cadowgooda koowaad.
Labada madaxweyne ayaa sheegay in la dhisay shan gudi oo ka kooban golaha wasiirada ee labada dawladood kuwaas oo wixii arrimo ah ee labada dawladood u hadhsan sidii loo dhamayn lahaa ka wada hadli doona. Sidoo kale labada hogaamiye waxa uu mid walba dhiniciisa ka amaanay doorkii taariikhiga ahaa ee hogaaminta iyo horumarinta guud ahaan dalka Suudaan uu ka soo qaatay.
Madaxweynaha koonfurta Suudaan ayaa sida loogu soo dhaweeyay magaalada Khartuum lagu tilmaamay mid taariikhi ah, waxaanu warbaahinta u sheegay in la soo dhaafay wakhtigii madoobaa ee dagaalada iyo dhibaatada, labada dawladoodna ka talin doonaan sidii Suudaan, hadday tahay koonfurteeda iyo hadday tahay waqooyigaba loo gaadhsiin lahaa, horumar iyo badhaadhe, shacbigooduna nabad ugu ladi lahaayeen.
Silva Kaer waxa uu si wayn uga mahad-naqay sidii loo soo dhaweeyay, waxaanu sheegay in labada Suudaan yihiin dad wax badani ka dhexeeyo oo siyaasada kaliya ku kala go’ay, laakiin labada shacab yihiin walaalo iyo kuwa dunida isugu xiga.
Faysal Maxamed Xasan
Reporter Berberanews.com
Email: daralla066@gmail.com