Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo madal ay waxqabadkeeda ku soo bandhigtay kalluun ka haqab-tirtay Dadkii ka soo qaybgalay

Hargeysa-(Berberanews)- Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda, ayaa  madal ay ka soo qaybgaleen iskaashatooyinka kalluumaysata, masuulliyiin iyo marti sharaf badan oo ay ku soo bandhigaysay wax-qabadkeeda kalluun ka haqab-tirtay ka soo qaybgalayaashii madasha ku sugnaa, iyadoo lagu so bandhigay noocyo badan oo loo sammeeyay kalluunka.

 

Munaasibadda lagu soo bandhigay waxqabadka wasaaradda oo  lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka wasaaradda Md. Cabdillaahi Maxamed Geeljire, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cabdiraxmaan Cawil Xasan, saraakiisl ka tirsan wasaaradda, masuul ka tirsan ciidanka illaalada xeebaha iyo masuulliyiin kale waxay ka qaybgalayaashu su’aalo kala duwan halkaa ku weydiiyeen masuulliyiin wasaaradda kalluumaysiga.

Wasiirka Kalluumaysiga Md. Cabdillaahi Maxamed Geeljire, ayaa xogwaran ka bixiyay siyaasadda guud ee wasaaradda, caqabadaha hortaagan iyo qorshayaasha ay damacsanyihiin inay ku suurtageliyaan ilaalinta iyo sidii loo kordhin lahaa wax-soo-saarka badda.

Halkan ka dhegayso khudbadda Wasiirka  [audio:http://www.berberanews.com/wp-content/uploads/2011/10/Wasiir-geeljirre1.mp3|titles=Wasiir geeljirre1]