Madaxweyne Silaanyo oo ku waaberiistay fadhiisinka jiida hore ee Gambadha, filan-waagii reer Burco iyo soo dhawayntii uu kala kulmay Laascaanood iyo Caynaba

Sool-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka hiirtii ku waaberiistay fadhiisinka jooda hore ee ciidanka qaranka Somaliland deegaanka Ganbadhe oo ah xuduudka Somaliland la wadaagto maamul-gobolleedka Somalia Puntland.

Madaxweynaha oo xalay u hoyday magaalada Burco, isla markaana la filayay inuu saaka dadweynaha Magaalada Burco kala hadlo fagaaraha khayryadda oo ay dadweynuhu ku kalaheen, balse filan waa ku noqotay, ayaa ku waaberiistay Fadhisinka ciidankaqaranka ee xuduuda.

Madaxweynuhu waxa uu salaam ka qaatay ciidanka qaranka ee jiida hore, isagoo ciidanka ku ammaanay hawsha ballaadhan ee ay qaranka u hayaan, ogsoonyahayna dhabar adayga soohdinta Somaliland ee ay muujiyeen.

Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxay duhurkii kusoo laabteen magaalada Laascaanood oo aanu ku hakan markii hore, balse uu markii uu kasoo laabtay fadhiisinka hore ee Ciidanka qaranka Higlo oo dhawr iyo lixdan km u jirta magaalada Garoowe qudbad u jeediyay dadweynaha magaalada Laascaanood oo si diiran u soo dhoweeyay, isla markaana kulamo kula yeeshay Huteelka Xamdi masuuliyiinta gobolka Sool iyo waxgaradka deegaanka Laascaanood. Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu ugu baaqay dadk qurba jooga ee u dhashay gobolka inay xukuumadda kala shaqeeyaan sidii nabadgelyo iyo horumar looga samayn lahaa gobolka, balse aanay ka shaqayn sidii nabadgelyo daro loo samayn lahaa. Wuxuuna balanqaaday inay xukuumadiisu waxbadan ka qabandoonto adeegyada aasaasiga ah ee gobolka iyo sidii loo horumarin lahaa. Isagoo maamulka Gobolka Sool ugu baaqay inay dedaal weyn u galaan sidii loo sii adkayn lahaa ammaanka gobolka oo uu tilmaamay inaan horumar balaadhan la gaadhi Karin haddii aan la sugin ammaanka. Waxaanu madaxweynuhu balan qaaday inay gacan siin doonaan ciidamada iyo maamulka dawladda.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo gaabta tegay magaalada Caynaba, ,ayaa shacbiga magaalada Caynabo uga mahad celiyay soo dhaweyntooda, waxaanu yidhi “Walaalayaal aad iyo aad ayaanu idiinka mahad naqaynaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen, waxyaabo badan ayay madaxdiinu halkan ka sheegeen in Gobolku u baahan yahay, waanu ognahay in baahiyo badan uu gobolka Saraari u baahan yahay.”

Madaxweynaha Somaliland waxa sheegay in ay wax badan qabteen mudadii xukuumadiisu jirtay waxaanu yidhi “Waxaanu is leenahay mudadii yarayd ee sanadka ahayd ee aad xilka hayseen waxaad qabateen wax badan waxbarashadii aasaasiga ahayd ayaanu lacag la’aan ka dhignay, waxa ka mid ah waxyaabaha aanu qabanay shaqaalihii iyo ciidammaddii oo aanu mushaharkii u kordhinayn in kasta oo aanu jeclayn inaanu kafaalo qaadno oo aanu daboolo baahiyaha gobolada oo dhan haddana nooma ay suurto gelin ee waxa noo qorshaysan inaanu anagoo shacbigayaga kaashanayna oo gacmaha is haysana aanu qabano.”

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga u soo jeediyay inay ilaashadaan nabadgelyada dalka waxaanu carabaabay inay mandaqadan ay joogaan dad badan oo neceb qaranimadeena.
“Waxa dhammaanteen xil inaga saaran yahay inaan ilaashano nabadgelyada dalkeena, waxa mandaqadan waxa ku badan dadka aan Somaliland madax-banaanida la jeclayn, waxaana aad ugu faro badan dadka dibada inagaga soo duulaya waxaan dadweynaha ugu baaqayaa meel ay joogaanba inay is kaashadaan oo ay meel uga soo wada jeedsadaan dhismaha qaranka,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Berberanews.com
Email, info@berberanews.com