Berbera: Sagootiska Xagaaga, Soo noqoshada shacabka Iyo Qiimaha kirada guryaha oo cirka isku shareertay

Berbera-(Berberanews)- Berbera: iyadoo uu sii dhamaanayo xilligii xagaaga oo aalaaba xaafadaha iyo ciyaalada laga xagaa saaro magaala xeebeed Somaliland ee Berbea, ayaa waxa haatan dadkii siwayn dib ugu soo noqonayaan magaalada.

Berbera oo u muuqata inay ka camirantahay xilliyadii sanadihii hore, isla markaana ay dadku si aada ugu soo xagaa noqdeen, ayaa waxa magaalada si wayn looga dareemeeyey tirada dadka kusoo korodhaya, kuwaasoo u yimi dano ganacsi, deegaan iyo qaar shaqoba.

marka aad eegto suuqyada magaalada Berbera, ayaa waxaad arkaysaa dad badan oo ka dukaamaysanaya goobaha ganacsiga iyo kuwe kale oo ku sugan meelaha lagu nasto iyo maqaaxiyaha.

dhanka kale waxa iyana aad arkaysaa subixii aroorta hore ciyaalo badan oo sita diraysyo kala duwan, oo ku kallahay iskuulada iyo goobaha kale ee waxbarashada.

xilliga oo ay soo dhawdahay arrafada oo xoolaha ugu badani ay ka dhoofaan dekedda weyn ee magaalada Berbera, ayaa waxa iyana magalaada laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ganacsi oo aad u diirran.

si kastaba ha ahaatee inkastoo haatan magaaladu aad u camirantahay, haddana waxa jira duruufo badan oo waxbarashadu ugu horayso oo dad badani magaalda uga guureen, lamana oga sida wax looga qaban doono.

Cabdirisaaq Cabdilaahi
Berbera,