Cabdicasiis Samaale oo Iftiimiyey Dulucda Cabsida Xisbiyada Mucaaradku ka Qabaan Furista Ururro Siyaasadeed

Hargeysa (Berberanews)- Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa iftiimiyey dulucda cabsida xisbiyada mucaaradku ka qabaan furista ururro siyaasadeed cusub oo saaxadda ku soo biira, kuwaasoo uu inay baqdin ka qabaan in ururrada cusub kaga adkaadaan tartanka doorashooyinka goleyaasha degaanka ee ay ka soo dhex baxayaan saddexda xisbi qaran. 
Md. Samaale oo hadal ka jeediyey munaasibad loogu wanqalayey urur-siyaasadeed cusub oo lagaga dhawaaqay shalay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu baqdinta xisbiyada mucaaradka ah dallo uga dhigtay diidmadooda la xidhiidha in diiwaangelintii hore ee codbixiyeyaasha lagu galo doorashada goleyaasha degaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto bishan April ee sannadka dambe.
 
Sidaa awgeed, Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu sida ugu dhaqsaha badan uga hirgeliyo dalka qabsoomidda doorashada goleyaasha degaanka oo ay ka soo dhex bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee dalku yeelan doono tobanka sannadood ee soo socda.
 
“Waxa ayaamahan dhegahayaga xoog ugu soo duulaya xisbiyadii jiray oo leh doorashada geli mayno diwaangelin cusub oo la sameeyo mooyaane, baqdin weeye waxaanay diidayaan ururrada siyaasiga ah ee furmaya oo ay ogyihiin inay ka badinayaan,” ayuu yidhi Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.
 
“Waxaannu leenahay madaxweynuhu tallaabadii uu ururrada siyaasiga ah ku furay ha ugu oggolaado si dhaqso ah in doorashada degaanku u bilaabanto, si saddexda xisbi ee ummaddu kalsoonida ku qabtaa u soo baxaan, waana in tartan xalaal ah dhacaa oo qofku kursiga uu shacbiga codka weydiistaa oo aannu si keli-talisnimo ah ku iman,” ayuu hadalkiisa ku soo khatimay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland.
 
Jamhuuriya