Xukuumadda Somaliland oo ku dhawaaqday inay awood kaga saari doonto dadka ajaanibka ah ee ka dhego-adaygay mudadii loo qabtay inay dalka ka baxaan

Hargeysa-(Berberanews)–Xukuumadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday inay awood u addeegsan doonto sidii ay dalka uga saari lahayd dadka ajaanibka ah ee sharci darada ku jooga ee ka dhego-adaygay inay ku baxaan mudadii bisha ahayd ee loo qabtay.


Shir jaraa’id oo Guddiga bixitaanka ajaanibka loo xilsaaray ku qabteen xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxay ku sheegeen in muddadii bisha ahayd ay dalka ka baxeen 70% dadkii ajaanibka ahaa ee sida sharci-darrada ah ku joogay dalka, hase ahaatee qiyaastii 30% weli ku sugan yihiin gobollada dalka, kuwaas oo isugu jira shaqaale iyo qaar ka dhego-adaygay amarka bixida.

Taliyaha Laanta socdaalka ee Ciidanka Booliska oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in dadka ajaanibka ah ee ku bixiwaayey muddadii loo qabtay loo aqoonsanayo inay iska dhego-mariyeen amarkii dawladda sidaa daraadeedna si khasab ah dalka lagaga saarayo. Waxase uu shacabka ka codsaday in aanay dadkaasi wax tacadi ah u gaysan ee ay kala shaqeeyaan uun ciidammada iyo hay’adaha ku shaqada leh.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Daakhiliga Cismaan Garaad Soofe, ayaa sheegay in bari laga bilaabo cidii dalka sharci-darro ku joogta ee ka dhago-adeygtay amarkii la siiyay isla-markaana ka faa’ideysan wayday wakhtigii la siiyay tallaabo adag laga qaadi doono.
“Maanta waa maalintii ugu dambaysay ee mudadii aanu u qabanay in dadka sida sharci darada ah dalka ku jooga ay iskaga baxaan wadanka, markaa cidii baxday way mahadsan tahay, cidii bari wixii ka dambeeya dalka ku sugan si sharci darro ah waxa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan maadaama ay fulin waayeen amarkii la siiyey wakhtigiina ka faa’iidaysan waayeen, iyada oo aan wax xad gudub ah loo gaysanayd,” ayuu yidhi Wasiirku.
Waxaannu intaa ku daray, “Cidii la helo ee fulin wayday amarkii la siiyay barito laga bilaabo waa dad sharci daro ku jooga, iyadda oo laga xuquuqal aadamaha iyo dadnimadiisa oo aan wax dhib ah la gaadhsiinayn waxa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan, waayo waxa uu fulin waayey amarkii la siiyay, wakhtigii la siiyayna wuu ka faa’ideysan waayey, barina waxay noqonaysaa maalinta aanu ogaanayno cid kasta oo sharci daro ku joogta.”
Sidoo kale, Waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Badhasaabka Gobolka Hargeysa, agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha dib u dejinta, Daakhiliga iyo shaqada iyo arrimaha bulshada.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com