Xukuumadda Somaliland oo Ciidammada heegan sare gelinaysa qaraxii Muqdisho ka dib, caalamkana ugu baaqday in loo gargaaro dadka dhibaatadu ka soo gaadhay.

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumada Somaliland  ayaa markii u horeysay cambaaraysay weerar ka dhacay shalay magaalada Muqdisho oo inka badan  todobatan qof ay ku dhinteen  boqol iyo koton qofna ay ku dhaacwacmeen, islamarkaana caalamka ugu baaqday inay gargaar u fidiyaan dadka waxyeeladu ka soo gaadhay, kuna dhawaaqday inay heegan sare gelisay ciidammada kala duwan.

Wasiirka Arimaha debeda iyo iskaashiga caalamiga  Somaliland Dr. Maxamed  Cabdilaahi  Cumar  oo  maanta xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ka tacsiyadaynayo dawladda Somalia iyo sdhacabkeedaba. “”Arrintaasina waxaan aaminsanhay in iskashi lagaga bixi karo oo shacabka Soomaaliyeed iska garabsadaan xukuumad iyo shacaba sidii looga hortagi lahaa in ay arrimahaasi oo kale ay dhacaan”. Ayuu yidhi Wasiirku.

Isagoo Wasiirku arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, ” Anigoo ka xun dhibaatadii ku dhacdey shacabka Somalia khaasatan shacabka ku nool magaalada Muqdisho waxaanu ka tacsiyadeyneynaa weerarkii ay shalay argagixisadu ku qaaday dad farabadan oo maati ah  oo ardey u badan naftoodii ku waayeen weerarki ismiidaamin ah oo ay argagixisadu ku soo qaadey,  sidaanu wararka ku heyno waxaa halkaasi ku naf waayey dad aad u badan oo shacab wax dambi ah oo ay galabseen jirin, arrintaasi xukuumada Somaliland iyo shacbigeeduba aad iyo aad ayey uga xun yihiin.”

Wasiirku waxa uu cambaareeyay qaraxaas oo uu sheegay inuu yahay mid muujinaya khataraha kooxaha argagixisadu ku hayaan Geeska Afrika, waxaannu yidhi, “Waxaan halkan ka cambaareyneynaa argagixisada faldambiyeedka intaa le’eg gashay, waxaanay khatarahani muujinayaa culeyska iyo khataraha ku wajahan Geeska Afrika ay ku hayaan kooxaha nabad diidka ee ladagaalama bini’aadanimada ee argagixisada, arintaaasi waxaan caalamka ugu baaqeynaa in gargaar u fidiyo dadka halkaas ku waxyeeloobey.”

Wasiirka Arrimaha debeda ee Somaliland Dr.  Maxamed Cabdilaahi Cumar waxaa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay feejignaadaan, sidoo kalena ciidamada Somaliland boolis iyo Milaterib ugu baaqey inay heegan noqdaan waxaana hadaladiiii kamid ahaa, ” Waxaan  shacabka Somaliland ugu baaqeynaa in ay kor dhiyaan oo ay laba laabaan foojignaatoodi hore ee ay ku ilaashanayeen xasiloonidooda ee ay ku ilaashanayeen nabad galyadooda, ciidamada nabad galyada ee qaranka Somaliland sidii caadadu ahayd ee horeba looga bartay waxay had iyo jeer heegan ugu jiraan sidii ay u difaaci lahaayeen qarannimada dalka iyo wixii kale dhibaatooyin u keenaya dalka, waxaanan ku kalsoonahay in arrintaasi tahay arrin gacanta shacabka Somaliland iyo ciidamada nabad galyada ku jira, laakiin xukuumada Somaliland waxay sii kordhineysaa dedaalkii ay hore ugu jirtey ee sugida amniga iyo lashaqeynta caalamka sidii ay waligeedba ay ula shaqeyn jirtey sidii loo yareyn lahaa khataraha argagixisada iyo budhcad-badedkaba”.