“Waxaan caddaynayaa in Ururkayagu dhallinyarada dhiirigelin doono..” Guddoomiyaha Urur-siyaasadeed la baxay IFTIN

Sheekh-(Berberanews)- Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo ah Guddoomiyaha Urur-siyaasadeed horaantii sanadkan lagaga dhawaaqay qaar ka mid ah gobollada Somaliland, Ka hor intii aan la ogolaan furitaanka Ururadaoo magaciisu yahay IFTIN ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay degmada Sheekh waxa uu sheegay in ururkiisa oo uu ku dhawaaqay sided billood ka hor uu xoogga saari doono sidii uu dhallinyaradda shaqooyin ugu abuuri lahaa.

Cabdiqaadir Cali Obsiiye waxa uu xusay in dad badani la yaabeen markii uu ku dhawaaqay urur-siyaasadeedkiisa, maadaama uu wakhtigaas aanay jirin cid hadal-haysay, balse haatan ay dadkaasi ay layaab ku noqotay riyadii uu mudada dheer ku soo hamiyay inay u rumowday oo si rasmiya loo ogolaaday furitaanka ururada siyaasadeed.

Waxaannu ku bilaabay, “Anigu waxaan ahay Cabdiaadir Cali Obsiiye,  waxaan ahay Gudoomiyaha Ururka IFTIN ururkaas oo iminka muddo sideed bilood jiray.  Waxaan ahaa dadkii markii hore xukuumada kala hadlayey in ay furan Xisbiyada taas oo ahayd wixii ay ku balanqaaday ee lagu doortay, markii aan marayey Gobolada ee aan ku qabanayey shirarka jaraa’id  dadku waxay I lahaayeen ‘waar Ururana la furimaayo ee iska joog markii iminka la furayna waxay I yidheehdeen waar niyow maxaa kuu waramay ee kuu sheeegay in ururo la furayo. “

Guddoomiyaha Ururka aan weli is-diiwaanglin, Cabdiqaadir Cali Obsiiye waxa uu ka hadlay hammiga waxqabadee uu damacsanyahay inuu dalka ka fuliyo, haddii uu ku guulaysto talada dalka, “Maanta runtii ururkaygu waa urur cid walba soo dhawaynaya oo ku hamiyaya inuu kontankii sanadood ee Somaliland ka lumay dib u soo celiyo ,gaadhsiiyana 25 sanadood oo barwaaqo ah. waxaanu ku hamiyeynaa maadama oo aanu nahay urur dhalinyaro  aqoon leh u badan yahay  in aanu dalka gaadhsiino horumar waxaan rajaynaynaa in ay wakhtigayaga Samaliland la talaabsan doonto Caalamka waxaan aaminsanahay in cid ururkayga ka horaysa oo dalka aqoonsi u keeni kaartaa aanay kirin, Ilaahay waxaan ka rajaynayaa in aynu aqoonsi helno hadii uu imin waayana waxaanu haynaa qorshihii laynagu aqoonsan lahaa; qorshii dhaqaalaha lagu kobcin lahaa ee bulshadu ay horumar ku gaadhi lahayd.”

Cabdiqaadir Cali Obsiiye waxa uu ka warramay barnaamijka siyaasadeed ee ururkiisa IFTIN,  “Waxaan doonayaa in aan idiinyara iftiimiyo qodobo kooban oo ka mida barnaajka  ururkayga ugu  kuwaas oo noo diyaarsan oo daabacan waxaa aanu dhamaynay xeer hoosaadkii  iyo barnaajkii xisbiga way noo diyaarsanyahiin waxa aanu sugaynaa oo kaliya ansixinta in aanu isdiiwaan galino oo kaliya ayaanu sugaynaa wax kaloo naga qabyi ma jiraan iyo shirgwaynahii ururka oo qabsoomi doona insh Allah isaguna waxaana ka mida barnaamijkayaga.

  1. Xoojinta iyo sugida amniga si wayn ayaanu amniga u sugu doona, 2.Taabo galinta Diinta islaamka, 3.Taakulaynta Dadka jilicsan iyo agoomaha , 4.Kor u qaadista iyo tayeyta waxbarashada, 4. Kor u qaadista Caafimaadka iyo Biyaha, waxaan doonaynaa in guri kasta oo Somalind ka mid ahi helo biyo sifaysan. 5. Waxkaqabadka Tahriibka iyo Shaqo la’aanta, 6. Abuurista dhaqaale xoogan.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa xukuumad kastaa waxay dhalinta u balan qaadaa in ay shaqooyin u abuurayso hadan waxba ugu qabato waxaan cadaynaa in ururkaygu uu dhalinta dhiirigalin doono.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka IFTIN C/qaadir Cali Obsiiye.

 

Berberanews.com

Sheekh, Somaliland

Email, info@berberanews.com