Wasiirkii Hore ee Hawlaha Guud oo Qiray in Dawladii Rayaale ee uu Xubinta ka ahaa ku Kacday Musuqaamuq

Hargeysa (Berberanews)- Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa markii u horraysay qirtay in dawladoodii doorashadda lagaga guulaystay ee Daahir Rayaale ay hantidii dalka kula kaceen musuqmaasuq, balse waxay xuseen in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo gacanta kula jirto musuqmaasuqii ugu weynaa, isla markaana lunsiga hantida qaranku ka badan yahay tii xukuumaddoodii hore gashay, waxayna dalbadeen in dad madaxbannaan oo shacabka iyo bulshada caalamiga ahi isu eegaan heerka musuqmaasuqoodii kala taagan yahay.
 
Sidaana waxa lagu sheegay shir-jaraa’id oo raxan wasiiradii xukuumaddii Rayaale ka tirsan iyo badhaasaabkii hore ee Gobolka Hargeysa shalay ku qabteen hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa, waxaanay caddeeyeen inay si cad uga soo horjeedaan deeqda xukuumaddu ku caawisay gurmadka abaaraha iyo macaluusha ee ku habsaday shacabka Soomaliya, iyada oo wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Mr. Siciid Sulub uu ku faanay in dawladoodii dalka hanti ka musuqmaasuqday, isaga oo xusay in musuqa iyo wax lunsigu yahay Soomaali meheradii.

 
“Madaxweyne, haddii hanti qaran oo la lunsaday laga hadlayo muddo badan baad xilka soo haysay, annaguna muddo badan baannu haynay, maantana adiga haya, dadka reer Somaliland ee maanta xaadirka ahi waxay qirayaan 8 sanno ee aannu xilka haynay sannadka iyo labada bilood ee aad joogto ayaa ka musuqmaasuq badan.
 
Cudurka dawladaha dilaa waa saddex nin jeclaysi, eex, iyo musuqmaasuq, annaga maca bulshada caalamkaad u sheegteen oo waxa nalagu sheegi jiray musuqmaasuqu, musuqmaasuqna waa Soomaali meheradeed baa la yidhi oo 100% ma nihin nadiif oo wixii Soomaali ahayd baannu nahay, laakiin idinku waxaad ku darsateen qaraabo kiil iyo nin jeclaysi,” ayuu yidhi; Siciid Sulub.
 
Waxa kale oo wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Siciid Sulub, jawaab ka bixiyey eedaymo uu madaxweyne siilaanyo u soo jeediyey oo uu dhawaan sheegay inuu musuqmaasuqay ummadda ka galeen ka cafiyey, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi;
 
“Waxaan leeyahay madaxweynihii qarakaad tahay, waad na xukuntay oo waxaad tidhi waxaasay yeeleen waanan saamaxay, caalamkana ma jirto meel laga ogyahay xukun nagu dhacay oo aad naga saamaxday, haddii laga tegi waayo, markii aad ahayd guddoomiyaha KULMIYE 2008 ayaad bilawday waxbaa la cunay oo la dhacay, waxaan u arkaayey inaad tahay mid kursiga aad nagaga kacsanaysaan, laakiin arrintu waxay noqotay ninkii Juxo ee la yidhi beentiisu rumaystay, waxba maannu dhicin, ma qabno dembigaas, maxkamadduna nagumay caddayn, madaxweyne qaranbaad tahay is-taaqfurala dheh xaal ka bixi, Ilaahayna uga toobad keen. Qaran baa laguu dhaariyey xukun aan dhicinbaad tidhi cid baan ka saamaxay, waxay noqonaysaa nimankan galgalanaya ma nihin hanti ummadeed iyo masuuliyad ummadeed baannu haynay. Ninkii loogu hadal haynta badnaaba ahaa diyaarbaanan u ahay in la ila xisaabtamo.
 
Somaliland maanta waxa lagu maamulaa qaraabo kiil iyo nin jeclaysi, musuqmaasuqana idinka naga badan, madaxweyne dadka aad gacantaada ku magacowday ee aakhiro wax lagaa weydiinaayo iyo hantida dalka gudaha iyo dibadba soo gashay soo gashay ee akhiro laga waydiinayo tii ina Rayaale waxba lagaa waydiin maayee aakhiro iyo if toone taa ka hadal, musuqmaasuqa, qaraaba kiilka, qandaraasyada.”
 
Mr. Siciid Sulub waxa uu sheegay in beenta iyo dacaayadii KULMIYE ka faafin jiray dawladoodii ay sababtay in doorashadii lagaga guulaysto. “Dhaqanka Somaliland ka jira waxa weeyaan dhaqankii Afrikanka lagu sheegay ee la yidhi ninba ninkuu ka buuq badan yahay oo ka hadal badan yahay ayuu garta Afrikanku siiyaa oo waa waxa xukunkii nalagaga qaaday, beenta, dacaayada iyo hadalkii aan jirin wax tarkayagii lagu beeniyey oo waxba la’aan laga dhigay, ceebo aanaan lahayna na loo sameeyey shacabku qaatay, wixii uu qaatayna maanta midhaheedii uu dhalaayo oo uu haysto oo meel khatara ku sii jeedaan.
 
Waxaannu leenahay maalintii Daahir Rayaale Kaahin xukunka la wareegay saddex iyo badh maalmulka Somaliland qumaati u gaadhsiisanaa gobolka iyo badhkana anaga gaadhsiinay, Buhoodle waxa 70% maamulaayey Somaliland, ciidankii qaranka iyo ciidankii asluubtuba way ka jireen maantana albaabada loo soo laabay, cadaawad iyo fogayn kale oo aan maalintii jirinbaa loo isticmaalay,” ayuu yidhi Siciid Sulub.
 
Waxa kale oo uu Md. Siciid Sulub si weyn uga hadlay siyaasadda arrimaha gudaha iyo dibadda oo uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waqtigan gaadhsiisay halkii ugu liidatay, waxaannu yidhi; “Waannu ku faraxsanahay in madaxweyne Siilaanyo taariikhda ay lahayd Balligubadle ku qiimeeyo, maadaama uu ahaa guddoomiyihii xilka lagagala wareegay Balligubadle ee lixda sannadood guddoomiyaha SNM soo ahaa, nasiibkuna siiyey inuu madaxweyne ka noqdo Somaliland.
 
Waxay ahayd in wax loo qabto oo Gobolka Balligubadle annaga bixiyan, madaxweynuhuna dhagax uun buu geeyey oo dhagaxaba annaga nalagu canaanan jiray oo xilligayagii boqol dhagax baannu dhignay oo aanay waxba ka suurtogalin in wax loo geeyo oo wax loo qabto oo reer Balligubadle waxay xaq u leeyihiin la siiyo oo waliba asigo, madaama uu gartay meesha in wax weyn uu siiyo ayey ahayd, aad baannu ugu faraxnay tegitaankiisii, laakiin kumaannu farxin soo noqodkiisii oo naloo sheegay inaanu waxba geynin.
 
Waxa meesha taala Balligubadle ha la tagee, laakiin dalkeenii meelaan la gaadhsiin siyaasadda arrimaha gudaha, miyaanay habboonayn in Buhuudle, Dhahar, Badhan, Laas-goray oo Taleexdan iminka la leeyahay shir baa la idinku samaynayaa tago waa meelihii annaga qorshahayaga ahaa.
 
Sheegi maysaan sannadkaa iyo labadaa bilood, maalin tagtay soo noqon mayso, hadday yidhaahdaan na daaya ma cirka dab kaa raacba haddaannu hadalno, maamul daadejintii way joogsatay oo gobolladii jiray ayey Somalilandnimadoodu shaki ku jirtaa.
 
Xukuumadda waxaan leeyahay abaalkaad dhigateen waxa weeyaan inaad ummadda been u sheegtaan inaad wax tarkayagii gadaan, markaad KULMIYE ahaydeen waxaad cay iyo aflagaado samaysaan waannu idiin dulqaadan jirnay. Madaxweynahayagii waxa uu na odhan jiray markay KULMIYE iyo UCID idin cayaan inagu kursibaynu fadhinaaye ha hadlina.
 
Maalin aad loo caayey oo uu is hay kari waayey ayuu mabarka soo fadhiistay madaxweynihii hore oo halkii inuu cayda ka jawaabo loo filaayey wuxu yidhi anigu waxaan ruqsadii siiyey xisbigaa KULMIYE iyo guddoomiyahooda, annaga tii waa naloo quudhi la’ yahay, ruqsadii haddii na loo soo celiyo maannu qaadaneen oo waannu jeex jeexi lahayn ruqsada cayda.
 
Dalka mucaarid iyo muxaafidba waa la wada leeyahay cid gaarana dalkani uma suntana oo ma leh, afka nalagagama soo boodi karo, lanama caayi karo, la noomana hanjabi karo, haddii intaa la yeelana ninkii yeelaa isaguun baa afkiisa xumeeyeeyey, annagu waa la hubaa oo waannu ku sii dararaynaa,” ayuu yidhi; Siciid Sulub.
 
Badhasaabkii hore ee Gobolka Hargeysa Maxamed Cabdi Daa’uud oo shirkaas jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in aanay diinta Islaamka meelna kaga xusnayn deeqda xukuumaddu gaadhsiisay dadka ku tabaalaysan dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay inay ka wanaagsanayn inay ugu ololeeyaan ictiraafka Somaliland.
 
Jamhuuriya