Maxkammada Sare oo kitaab gacanta u saartay Xubnaha cusub ee diiwaangelinta Ururada siyaasadeed iyo dardaarankii Madaxweyne Silaanyo

Hargeysa (Berberanews)- Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Md. Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku dhaariyay todobada xubnood ee gudida diiwaan gelinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka.

Xubnahan waxa gacanta loo saaray kitaabka quraanka kariimka ah, waxaanu lagu dhaariyay dhaarta uu jideeyay xeerarka iyo dastuurka Somaliland oo ay ka mid ahaayeen erayadan “Waxa Igu walaahay ah oo igu bilaahi ah inaanaan ka mid ahayn kuna jirin urur iyo xisbi qaran kana mid noqonayn urur iyo xisbi kale inta aan xilka hayo uguna adeegayo bulshada Somaliland cadaalad, sinaan iyo daacadnimo.”

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhaarta xubnahaasi ka dib  hadal dardaaran ah u jeediyay Guddidaasi wuxuu yidhi “ILAAHAY waxaan ka barayayaa inshaalaahu tacaalaa inaad hawshaas si xil kasnimo ah uga soo baxdaan oo ILAAHAY-na waxaan ka baryaynaa inuu idiin  fududeeyo hawsha.
Xubno ka tirsan Guddidan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay xilkooda u gudan doonaan si daacadnimo iyo wadaniyad leh oo  waafaqsan shuruucda dalka.
Magacyada Guddida diiwaan gelintu waxay kala yihiin sidan:-
1        Cabdalle Ibraahim Maxamed
2.      Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)
3.      Xasan Axmed Ducaale (Macalin): Garyaqaan
4.      Cumar Xasan Jaamac
5.       Maxamed Cabdi Maalik
6.      Aadan Geedi Qayadi
7.       Ismaaciil Cabdilaahi Cali