Dawlada Holland oo aqbashay Xaaqiiqadda Dhabta ah ee ka jirta Somaliland iyo Soomaaliya

London (Berberanews)- Radio Netherlands WorldWide, ayaa war uu bahiyay Jimhicii ina dhaafay waxa uu ku sheegay in Holland aqbashay xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta dhulweynihii ay ka talin jirtay Jamhuuriyadii Soomaalidu (Soomaaliya iyo Somaliland).

Radiwogu wuxuu sheegay in tan iyo 2004 tii ay TFGdu ahayd xudunta ay isugu tagto kaalmada caalamku mandaqadaa siiyo, Hase yeeshee, waa sida hadalka uu Radiogu udhigaye, ay TFGdu ku guuldaraysatay inay ka kasbato wax shariciyada dadka ay sheegayso inay matasho ama xukunto.

Kol haday sidaas tahay buu yidhi Radiogu waxay iminka Holland go’aansatay in ay sibuuxda u raacdo siyaadadii Maraykanku jideeyay ee kusalaysnayd labada tubood (the dual-track approach).

Muddanaha layidhaa Arjan el-Fassed oo baarlamanka wadankaa ka soo gala xisbiga bidixda ee Green Left(Cagaarka Bidixda Xiga) ayaa idaacada RNW u sheegay sida uu ula dhacsanyahay siyaasada cusub ee dawlada Holland qaadatay. Muddanuhu wuxuu yidhi, ” intii mudda ahayd dawladu Dutchku waxay kaalmadooda iyo waxatarkooda ku daldalaysay TFG. Waxaan aragnaa, oon arkaynay intii mudda ahaydba, in TFG ay masuuliyadeedii si aad u fool xun ugu saaqiday oo ku guuldaraysatay.”

RNW wuxuu soo xigtay nin dadka ajaanibka ee gargaarka qaabilsan. Ninka oo sheegay inuu Muqdisho aad u taga, balse codsaday inaan la magacabin, ayaa u sheegay RNW in ay tahay in beesha caalamku ay gabi ahaanba joojiso la shaqaynta ay la shaqaynayso TFG. Ninkaasi wuxuu sheegay in TFG iyo UNISOM ay musuq yihiin, isqabsiga dhexdooda ahina uu tiro beelay, iyo in qolyahani ay xuquuqda dadka ay ku tuntaan. Waxaanu yidhi “Way adagtahay in kaalmo laga qaybiyo meelaha TFG iyo AMISOM ay mamulaan”. Waxaanu intaa ku siidaray, dadka wax qaybiyaa waxay kuu sheegayaan inay runtii door bidayaan inay wax ka qabtaan meelaha ay maamusho Al-Shabaab.

Midka mida dadka aqoonyahaynaka arimahan u dhuundaloola ayaa Jamhuuriya u sheegay inaanay arinta dawlada Holland ka soo yeedhay wax lala-yaabo ahayn. Badhtamihii bishii Ramadaan ee ina dhafaftay reer Galbeedka TFG caawiyaa ay qarka u saaraayeen inay faraha ka qaadaan TFG-da, aqbalaana xaqiiqada dhulka ka jirta oo ay Somaliland arinteeda si dhaba dib ugu eegan. Arintuse waxay hakatay markii sida lama filaanka ah ay Al-Shabaab uga baxeen qaybo kamida Xamar, ayuu yidhii qofkaas aqoonyahanka ahi; intaasina waxa uu ku siidaray waxa muuqda ifafaale muujinaya in ay reer Galbeedku dib ugu noqonayaan oo doonayaan fikirkii ahaa inay sayloonka ka jaraan Dowladda taagta daran ee TFG. Haddaba go’aankan dowlada Holland gaadhay waxa loo malaynayaa inuu qayb ka yahay qorshahaasi lagaga takhalusayo dowladda Sheekh Sharif, balse la arki doonee – buu hadalkiisii ku soo geba gabeeyay aqoonyahankaasi. 

Sources, Jamhuuriya