Safiirkii Hore ee Somaliland u Fadhiyay Dalka China oo Sheegay Inuu U Taagan Yahay Guddoomiyanimada Iyo Musharaxa Xisbiga UDUB

Hargeysa-(Berberanews)- Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka China Axmed Xasan Cigaal, ayaa, shaaca ka qaaday inuu u tartamayo Musharaxnimad iyo Guddoomiyaha xisbiga UDUB ee sanadka 2015-ka.

Axmed Xasan Cigaal waxa uu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu manta ku qabtay Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, ayaa  isaga oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi  “Aniga oo magaceygu yahay Axmed Xasan Cigaal, siddeedii sanadood ee u dambeeyayna ahaa danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Shiinaha, walina ah hawl wadeen xisbiga UDUB oo ahaa xisbul xaakimkii xilka wadanka soo hayey mudada dhowr iyo tobanka sanadood ah, ayaa saaka ku dhawaaqayaa inaan ahayn musharaxa guddoomiyenimada iyo musharaxa madaxtinimada ee sanadkan 2015-ka u tartamaya.”

 

Mr Axmed  Xasan Cigaal oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Xisbiga UDUB waa xisbigii qabtay dhowrkii doorasho, waa xisbigii isaga oo tallada dalka haya u wareejiyay sida dumiqraadiga ah xisbigii kale markii shacabku doorteen. Xisbigaas ayaan ku han-waynahay inaan ku guulaysto musharaxnimadiisa guddoomiyenimo iyo musharaxnimadiisa Madaxwaynenimo haddii ILAAHAY yidhaahdo sanadka 2015-ka.”

Safiirkii ee dalka China waxa kale oo uu sheegay inuu ku rajo weynyahay hadii shacabka Somaliland ay taageero u muujiyaan, isla markaana waxa uu tilmaamay inuu khibrad u leeyahay maamulka, waxaanu u yidhi “Waxaan ku rajo-waynahay hadii shacabka reer Somaliland igu taageeraan doorashadaa, waxyaabo  faro badan ayaan dalka ka badali lahaa aniga oo khibrad balaadhan u leh maamulka, waayo sideed sanadood waxaan u shaqaynayey Qaramada Midoobay oo aan xilal badan ka soo qabtay, waxaanan ka bilaabay darajo la yidhaahdo (UN fee) waxaanan ka gaadhay darajada la yidhaahdo (P4), aniga oo markii hore Somalia uga haajiray dhinaca dalka Kanada oo aan shaqooyin badan ka qabtay, aniga oo markii shaqadii qaramada midoobay ii dhammaatay aan dagey dalka Shiinaha, halkaas oo aan jaamacad la yidhaahdo (Bejieng Buiness and Tchnology Uiversity)”