Golaha Wakiilda oo Cod Ku Meel-mariyay Laba Wasiir oo Ka Tirsan Xukuumadda Iyo Guddida Diwaangalinta Ururada

Hargeysa-(Berberanews)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Wasiirul Dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibeda Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan.
Fadhigan oo uu shir- guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), isla markaana ay ka soo xaadireen 58 mudane oo ka mida 82 xildhibaan ee uu ka kooban yahay Aqalka Wakiiladu. Xoghayaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa mudanayaasha u akhriyay CV-yadooda khibarada shaqo ee ay leeyihiin.
Guddoomiye Cirro ayaa ka hor intii aan la gudagelin ansixinta wasiirada ayaa waxa uu Xildhibaanada ka codsaday inay u codeeyaan istiqaaladii uu wasiir Duur isaga casilay xubinimadii Golaha Wakiilada, waxaana u codeeyay 57 mudane mana ay jirin cid diiday iyo cid aamustay toona , Guddoomiyuhuna muu codayn.
Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) waxa ogolaaday 56 mudane, waxaana ka aamusay hal mudane cid diiday iyo cid ka aamustay may jirin Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansxay.
Wasiirul dawlaha arrimaha dibada Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan waxa isna ogolaaday 57 mudane cid diiday iyo cod ka aamustay may jirin Guddoomiyuhu-na muu coday sidaas ayuu ku ansaxay. Wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha dibeda Dr Maxamed –Rashiid Sheekh Xasan ay ansixintiisa u codeeyeen 57 mudane ma ay jirin diiday iyo cid ka aamustaytoona , guddoomiyuhuna muu codayn, waxaana sidaas ku ansaxay labada wasiir. Dhinaca kale waxay Mudanayaasha Golaha Wakiiladu cod u qaadeen Guddida Diwaangalinta Ururada Siyaasada ee dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Axmed Siillaany, kuwaas oo ka kooban todoba xubnood, waxaana lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah. Magacyada Guddida Diwaangalinta ayaa ururada, ayaa kala ah sidan:-
1- Xasan Axmed Ducaale (Xasan-Macalin 2- Cabdirisaaq Cumar Jaamac (Cabdirisaaq-Ciyaale) 3-Cabdale Ibraahim Maxamed 4- Cumar Xasan Axmed 5-Maxamed C/Majiid Axmed 6-Aadan Geeddi Qayaad 7- Ismaaciil Cabdilaahi Cali.