Maxkamadda Gobolka Saaxil oo muddaysay dhegaysiga dacwad lagu soo oogay Guddoomiyaha Gobolka iyo Maareeyaha

Berbera-(Berberanews)- Maxkamadda gobolka Saaxil, ayaa 28-ka bishan u mudaysay dhegaysiga dacwad ka dhan ah badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yusuf Dirir.

Dacwadan oo ay hore ugu gudbisay maxkamadda Guddoomiyihii Gudidii hore ee Kulliyadda Culuumta badda Berbera, Marwo Faadummo Siciid, waxay ku eedaynaysaa badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Maareeyaha dekedda Berbera inay isu bahaysteen sifo sharci darro ah oo looga fara-maroojiyay maamulkii jaamacadda badda, ka dib markii maamulka gobolka Saaxil kala diray Gudidii hore ee jaamacadad horraantii sanadkan, islamarkaana ku magacaabay guddi cusub oo hoggaamisa. Arrintaasoo khilaaf circa isku shareeray ka abuurtay gobolka Saaxil.

Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa saaka ku dhawaaqday inay u muddaysay 28-ka bishan dhegaysiga dacwadda masuuliyiinta lagu soo oogay, ka dib markii la waayay garyaqaanka Guud ee dawladda Ibraahin Iidle Suleiman oo la sheegay inuu qareen u yahay badhasaabka iyo Maareeyaha.

Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan Nuur oo isagu ah qareenka ah qabsatay Faadummo Siciid oo khadka telefoonka Berberanews wax kaga weydiisay nxuruka dacwadda uu ku soo oogayo masuulliyiinta, ayaa yidhi, “Dawcaddu waxay ku salaysantahay go’aankii lagu kala diray Guddidii hore ee jaamacaddu ma yahay mid awood u leh inay tallaabadaas qaadaan mise maaha? waxaan cuskanayaa Xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka, haday meeshu ahayd jaamacad waxa ku shaqo lahaa wasaarada tacliinta.”ayuu yidhi Garyaqaan Maxamuud.

Marwo Faadumo Siciid Ibraahin, ayaa bilowgii bishan shaaca ka qaadday inay Maxkamadda u gudbisay Dacwad ka dhan ah Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax). Waxaanay eedayn culus u jeedisay Maareeyaha Dekadda Berbera.

Kulliyadda culuumta Berbera oo albaabadu u laabanyihiin waxa ka socda dib-u-dhis ay iska kaashanayaan maamulka Gobolka, Dekedda Berbera iyo Dawladda Hoose, kaasoo sida la sheegay ay ku baxayso lacag gaadhaysa konton kun ($40,000) dollar.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan, ayaa isagu markasta oo wax laga weydiiyo arrintan dicaafa go’aankii ay xilka kaga qaadeen Gudidii jore, “Go’aanka aanu kula wargeenay jaamacaddu waa mid aanu dariiq sax ah u marnay, meeshuna [kuliyadda] waxay ahayd goob albaabada loo laabay oo aan wax shaqo ahi ka socon, immikana waxaannu wadnaa dib-u-dhiskii oo ay iska kaashanayaan Maamulka gobolka, Dawladad Hoose iyo Dekedda Berbera, waxaanna ku baxaay lacag dhan $40,000, Insha allaah si dhakhso ahna waa loo furi doonaa.” sidaa waxa yidhi Badhasaab Ramaax oo shebekadda Berberanews hore wax uga weydiisay eedaha loo soo jeedinayo.

Berberanews.com

Berbera, Somaliland

Email, info@berberanews.com