Hargeysa: Daahfurka Ururka Biladda Horumarka Somaliland

Hargaysa(Berberanews ) Xaflad balaadhan oo lagaga dhawaaqay Ururka Bilada Horumarka Somaliland ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay magaalda Hargaysa.

 Xafladan oo ahayd mid ay soo camireen dhalinyaro tirabadani waxa ka soo xaadiray Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) Gudoomiyaha baarlamaanka Md.Cabdiraxaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, Wasiir qorshanta qaranka Md.Sacad Cali Shire, wasiirkii hore boosaha iyo isgaadhsiinta Md.Cadbirisaaq Ibraahin Maxamed, qoraa Md.Boobe Yuusuf Ducaale, gudoomiyaha jaamcada ALPH Md.Cabdirisaaq X.Xuseen iyo marti sharaf kale.

 Dhalinyarada ururkan Bilada Horumarka Somaliland aas-aastay ayaa daboolka ka qaaday inay ka kooban yihiin dhalinyarada Jaamcadaha wadanka iyo dalaka dibadiisaba, isla markaana ay wadeen baadhitaano iyo talooyinba mudo sanada, ayna u soo baxaday dhamaadkii hawlahaas ay soo qabteen in ay ku dhawaaqan ururkan oo dhiiri galin doona shaqsiyaadka horu-marka leh ee reer Somaliland.

Ugu horayntii waakan isaga oo ka hadaalya furitaankii xafladaas gudoomiya ururka Bilada Horumarka Somaliland Mahad Cabdi Cali “ Ururkan waa urur ay ku bahoobeen ardayda jaamacadaha Somaliland iyaga oo doonaya inay hirgaliyaan kuna xaqiijiyaan himilo dhaba oo ah in la sameeyo bilad loogu magac daray Bilada Horumarka Somaliland, biladaas macnaheedu waxa weeyaan in cilmi baadhis balaadhan ay ku samayso dalka dabadeedna ay soo ogaato qofkii ugu horumarka fiicnaa, markay hesho qofkaas ayaa waxay u bandhigaysaa Komishan ay ka mid yahiin aqoonyahanka dalka, gudoomiyayaasha jaamcadah iyo dadka aqoonta uleh cilmi baadhista.” Isaga oo hadalkiisa gudoomiyu waxa uu yidhi “Kadiban marka la helo qofka ku guulaysta sanadkasta Bilada Horumarka Somaliland waxa lagu abaal marinayaa, kow inay abaal mariyeen ardayda jaamcadahu, inay usheegaan bulshada waxa uu ku hantay iyo inay waxii kale ee loogu dari karana loogu abaal mariyo. Waxa la’aas aasay 23 bishii sagaalad 2010, caawa oo lagu dhawaaqayna waa 23 bisha sagaalaad 2011, barnaamijka intaas leeg la soo waday mudada sanadka ah macnahiisu waxa uu ahaa in aanu noqon barnaamij ku yimid qiiro oo siyaro fudud loola kacay lakiin waxa uu soo maray marxalado.” 

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo xafladas ka hadlay ayaa siway ugu dheeraaday in loo baahan yahay in lays aqoonsado inta ka horaysa inta aynaan geeriyoon, si dadku niyadu ay ugu wanaagsanaaato oo dadka wanaagsan ay wax u hogaamiyaan, waxana hadaladii qoraaga komid ahaa “ Waxaynu u baahanahay inayu isqiimayno oo aynu isqadarino qofka waxa wanaagsan sameeyay iyo qofka horumarka ka qayb qaatay iyo qofka milgaha, akhlaaqda iyo diinta dhawraya ayaynu u baahanahay  in aynu dhiiri galino. Waxaynu u baahanahay inayu abaal marino kan mujtamaca la hadhaaya ee tuugaa ee waxii umada ka dhaxeeyay cunaaya ee akhlaaq xumada aabaha u ah, kuwaas ayaynu u baahanahay iyagana in la abaal mariyo. Dabadeedan dadku uu kala baxo. dadku niyaduu ka noolyahay oo maskaxduu ka noolyahaye ileen dadku lacaguun kuma noolee, dadku dhiiri galin iyo aqoonsi ayuu ku noolyahaye inayhu inteena wanaagsan aynu aqoonsano siday u  sii dadaalaan, inta ugu wanaagsani ay mujtamaca u kaxayso”

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) Gudoomiyaha baarlamaanka Md.Cabdiraxaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) , Wasiir qorshanta qaranka Md.Sacad Cali Shire, wasiirkii hore boosaha iyo isgaadhsiinta Md.Cadbirisaaq Ibraahin Maxamed, gudoomiyaha jaamcada Alpha Md.Cabdirisaaq X.Xuseen, dhamaan masuuliyiinta, abwaanada iyo aqoon-yahanadaas oo xafladaas ka hadlay waxa ay u soo jeediyeen talooyin,hanbalyo iyo dhiiri galin dhalinyardii ururkaas ku dhawaaqaday.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com