Booqashada Wufuudda caalamka ee Somaliland ku soo qulqulaya, weedhaha isku midka ah ee ay ka bixiyaan safarkooda iyo Maaweelada macno-darada ah ee shacabka dhegahooda daashaday 10kii sanno ee u danbeeyay

Hargeysa-(Berberanews)- Somaliland oo xornimadeeda iskeed ugu dhawaaqday inay ka madaxbannaantahay dalweynihii laysku odhan jiray Somalia, sanadkii 1991-kii, ka dib dagaal qadhaadh oo xoogagii mujaahidiinta SNM kaga awood roonaadeeen ciidammadii Keliye-taliska Maxamed Ziyaad Barre, dagaal ay ku naf-waayeen boqollaal kun oo qof, burburka hanti badan iyo barac shacab

Guusha ay soo hooyeen geesiyaashii SNM waxay dhashay inay xukunkii u soo gacangeliyeen shacabka Somaliland si ay aayahooda uga tashadaan, taasoo suurtagelisay aas-aaskii haykalka dawladnimmo ee lagu gaadhay axdi-qarameedkii beelaha Somaliland u dhammaayeen ee lagu aas-aasay nidaam dawladeedkii  ay iska dhex arkayeen beelaha oo dhammi, taasoo xal u noqotay in si fudud nabadayn guud looga dhaqangeliyo gobollada Somaliland.

Bilowgii niaadmka dimuqraadiyadda

Dimuqraadayadda; macnanaha weedhani waxay reer galbeedku isku raacsanyihiin inay awooda siiso rabitaanka meesha codka shacabku u badanyahay; inuu qofku wax dooran karo, isagana la dooran karo, islamarkaana xuquuqdiisa aas-aasiga ah dhawraysa.

Shacabka Somaliland waxay sanadkii 2001-dii u dareereen codbixinta distoor madaxbannaani buuxda u siiyay xaqooda jiritaan oo ay ku lamaantahay nidaamka dimuqraadiyadda oo ku sallaysan mid aan ka hor iman diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee shacabka, kaasoo 97% (boqolkiiba sagaashan iyo todoba) ay u codeeyeen.

Inkasta oo dimuqraadiyaddu wakhtigaas ku cusbayd Somaliland, dad badanina wer wer ka muujiyeen sida shacabku ula jaanqaadi karo nidaamka cusub ee dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka, maadaama dhaqanka reer Somaliland ku dhisnaa nidaamka hab-beeleedka, hadana waxay shacabku astaantii u horraysay ee dimuqraadiyadda muujiyeen doorashooyinkii ugu horeeyey ee shacabka loo gacangeliyo inay rabitaankooda wax ku doortaan, doorashadii golaha deegaanka ee sannadkii 2002.

Hireglinta doorashaddii Golaha Deegaanka oo ay ka soo dhexbaxeen saddexda xisbi qaran ee haatan dalka ku dhisani, waxay soo jiidatay indhaha bulshada caalamku inay u soo jeestaan Somaliland oo ay hal-qabsi iyo tusaale ugu soo qaataan marka ay ka hadlayaan dimuqraadiyadda Africa oo badankeeda dagaallo iyo colaado hadheeyeen.

Doorashooyinkii kala danbeeyay ee Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyaddu waxa kale oo ay noqdeen qaar mucjiso ku noqotay caalamka oo markiiba bilaabay inay wufuudo iyo kormeerayaal badan u soo dirsadaan qiimaynta doorashooyinka, kuwaasoo ku sifeeyay doorashooyin xor iyo xallaal ah oo ku dayasho mudan.

Qulqulka wufuudda kala duwan ee caalamka isaga kala yimi

Tan iyi intii ka danbaysay hirgelinta doorashooyinkii kal adanbeeyay, waxa dalka si is-daba jooga ugu soo qulqulayay Somaliland wufuud kala duwan oo isugu jira, diblomaasiyiin, safiirro iyo wakiillo kala yimi caalamka daafahiisa.

Dalall badan oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Urur-gobleedka IGAD iyo midowga Yurub waxay wefti xaqiiqo raadin loo bixiyay u soo direen Somaliland inay qiimayn ku soo sammeeyeen, balse aanay jirin warbixinno ka soo baxay oo ay ku soo bandhigeen natiijadooda, marka laga reebo hambalyo iyo dhiirigelin kooban.

Weedhaha Isku Midka ah ee Wufuuda caalamku Somaliland ka sheegeen

Marba marka, ka danbaysa waxa isa soo taraya Wufuudaha kala duwan ee booqashada ku yimaada Somaliland, kuwaasoo kulan ay madaxtooyadda kula yeeshaan Madaxweynaha iyo xukuumadda, laga soo saaro war-saxaafadeedyo isku mid ah oo magacyada uun ku kala duwan, kuwaasoo xambaarsan weedho isku mid ah oo wufuudaasi ka yidhaahdaan Somaliland. Kaasoo ay ujeedada socdaalkooda aanu dhaafsiisnayn mid ah qiimayn iyo indho indhayn ku sammaynayaan dimuqraadiyadda Somaliland. Xukuummadda cusub ee Madaxweyne Silaanyo fursad umay siin saxaafadda madaxabannaan ee dalku inay kala soo qaybgasho kulannada wufuudan oo su’aalo weydiiyaan, marka loo eego xukuummadii ka horraysay ee Madaxweyne Rayaale oo saxaafadda u ogolaan jirtay mararka qaarkood.

War-saxaafeedkii u danbeeyay ee wufuudda noocana oo maanta naga soo gaadhay xafiiska madaxtooyadda Somaliland, ayaa u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti uu hogaaminaayo Safiirka Wadanka Switzerland u qaabilsan wadamada Kenya, Burundi, Rwanda, Uganda, Somaliland, Somalia iyo Seychelles Jacques Pitteloud.

Weftigan oo ka koobnaa 3 xubnood waxa ay Madaxweynaha uga warameen ujeedada socdaalkooda oo ay sheegeen inay salka ku hayso sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinacyada taabo-galka dimuqraadiyada, horumarka, & nabagelyada, waxaana uu xusay inay dawladoodu danaynayso sidii ay wada-shaqayn buuxda ula yeelan lahayd Somaliland. Waxa uu safarkiisu intaasi ku daray in socdaalkoodan ay ku joogayaan wadanka muddo 2 maalmood ah, isla-markaana ay la kulmayaan Labada Gole ee Baarlamaaanka, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Axsaabta Qaranka iyo Ururada Bulshada.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa uga mahadceliyay safiirka safarkoodan waxaana uu uga waramay maraaxilkii kala duwan ee ay Somaliland soo martay mudadii 20 sanadood ee ay dib ula soo noqotay xoriyadeeda, Madaxweynuhu waxa uu muujiyay inay Somaliland diyaar u tahay wada shaqayn iyo xidhiidh adag oo ay la yeelato wadamada beesha caalamka oo ay Switzerland ka mid tahay.”ayaa lagu yidhi war-saxaafeedkan u danbeeyay oo ka mid ah war-saxaafadeedyo isdaba jooga oo labadii todobaad ee u danbeeyay ka soo burqanaya madaxtooyadda.

Maxaa la Gudboon Xukuumadda

Dhegaha shacabku tobankii sano ee u danbeeyay way ku daaleen wetfi dal hebel ka socda oo booqasho qiimayn ah ku yimi Somaliland kulana la yeeshay madaxweynaha, islamarkaana hambalyeeyay dimuqraadiyadda hirgashay.

Xukuumadda Somaliland waxa la gudboon inay wado kale uga wareegto buunbuuninta wufuudda weedha afka baarkiisa ah mooyee aan micnaha ugu fadhiyin ee dadku khaatiyaanka ka taaganyahaya, lana timaado siyaasad ay ku kobciso kaabayaaasha dhaqaalaha dalka iyo abuuritaanka fursado shaqo oo ay ka faa’iidaystaan dhalinyarada reer Somaliland ee badaha ku dhamaaday, kana waantowdo wufuudda  caadaysatay “Qawda Maqashii waxna haw qabanta” , haddii kale waxay Somaliland ku danbayn doontaa haadaan ay hadhow adkaato sidii looga soo saari lahaa, oo ay innoo maleegaan dalalka reer galbeedka ee diidan inay aqoonsadaan shacabka buuxiyay shuruudihii dimuqraadiyadda.

Berberanews Media                

Berbera, office

Email, info@berberanews.com