Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Maamulka Degmada Sheekh Oo Yeeshay Kullan Ku Saabsan Xeerka Dhulka iyo Dhismayaasha

Sheekh-(Berberanews)- Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland iyo Maamulka Degmada Sheekh ayaa manta kulan ku saabsan Xeerka dhulka iyo dhismayaasha ku yeeshay Xarunta D/Hoose ee Dagmada Sheekh,

Kulan W/H/Guud kaga hadlayso wacyi galinta xeerka dhiska  kana soo qayb galeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada iyo Dadwayne kale oo badan, waxaa si wada jira uga hadlay kulan  Masuulyiin ka socday W/H/Guud  iyagoo faahfaahin dheeraada ka bixiyay Xeerkan  waxaanay xuseen  in aan wali Xeerkan la horgayn Golayaasha sharci dajinta.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta W/H/Guud Eng Raashiid Maxamed Cali  oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa ka  xogwaramay Xeerkan iyo nuxurka uu xanbaarsanyahay isaga oo xusay in Dhismayaasha  ay dhisaan Shirkadaha Dhismayaashu intooda badan  aan la waafajin xaaladaha Caafimaad,Amaan,Deegaan iyo waliba  billicda Magaalooyinka midna ,loona baahan yahay Xeer iyo nidaan u degsan  qaybaha dhismayayaasha  si ay  Bulshada xaaladooda  caafimaad u hagaagto loona helo dhismayaal  ku haboon Deegaanada laga hirgalinayo.

Waxaa kaloo isna kulankan ka hadalay Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo Guryaha Eng Maxamuud Maal Cali oo isna kulankan ka cadeeyay  in W/H/Guud masuul ka tahay hantida la wada leeyahay ee laga hirgalinayo dhamaan qaybaha dalka ,Shirkadaha Dhismayaashana  iyadu ay siiyaan  Shahaadada ama Liisanka dhiska, xeerkana  dhawaan la horgayn doono ansixintiisa Golayaasha sharci dajinta , Xeerkana uu yahay  wixii kala hagi lahaa dhisaha iyo loo dhisaha isla markaana dhismaha Dalku lagu ilaalin doono Xeerkan kaasoo ay iska kaashan doonaan W/H/Guud iyo D/hoose ee Dalku iyada oo lagama maarmaan tahay in Bulshada lagu wacyi galiyo ilaalinta xuquqda degsiimada.

 Gudoomiyaha Maxkamada Degmada  Sheekh  Garyaqaan Maxamed  Cabdi ayaa sheegay in Xeerarka iyo Shuruucdu yihiin wixii uu ka imin lahaa isbedalka dhinaca horumarku iyo kala danbaynta  Dhulka iyo Dhismaha ,iyada oo in badan sharci iyo xeer la’aan ugu fideen Bulshada dhexdeeda waxaa hubaal ah in xeerkani wax badan ka tari doono mustaqbalka degsiimada Tuulo ilaa heer Gobol.

Xoghayaha Dawlada Hoose C/karrin Yusuf Saleebaan ayaa aad u soo dhaweeyay Xeerkan isaga oo xusay inuu dawo u noqondoono isku qabsiga Dhuka iyo hagaajinta dhismayaasha laga hirgaliyo dhamaan qaynaha ay Degmadu ka koobantahay si wada jirana ay u samayn doonaan dabagalka tayada dhiska.

Qaar ka mida dadkii kulankan ka soo qayb galay ayaa aad u soo dhaweyay kuna tilmaamay mid xili hore loo baahnaa.

Khadar Jamac  Xaashi

Berberanews

Sheekh